Kulan Madaxeedka Qaaradda Afrika: Tayaynta kaalinta Haweenka, qorshaha tobanka sanadood & La Dagaalanka Boko-Haram & Ebola

0
366

Shirweynahii sanadlaha ahaa ee hogaamiyayaasha Ururka midnimada Afrika ayaa si rasmi ah uga socda Magaalada Addis-ababa ee Dalka itoobiya iyadoo ay kulanka soo xaadireen inta badan hogaamiyayasha wadamada qaaraddu.
Raysalwasaaraha Dalka itoobiya Hayla-Marian Desaglean ayaa shir gudoominayey furitaankii munaasabadda shirka, waxana uu sheegay in la gaadhay xilli ay qaaradda afrika u diyaargarowday xallinta mashaakilaadkeeda. Iyadoo snadkan lagu calaamadiyey in shirkaasi lagu falanqeeyo kobcinta awoodda haweenka iyo qorshaha 10-ka sanadood ee dhanka horumarinta wadamada qaaraddu ka kooban tahay, oo ay soo raacaan sidii loola dagaalami lahaa Jabhadda Bokko-Haram iyo Caabuq sidaha Ebola.
Shirka ayaa qaybtiisii hore waxaa lagu doortay gudoomiyaha cusub ee ururka midowga Afrika oo noqon doona Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Mr Robert Mugambe, sidoo kalena dalalka midowga afrika waxay soo jeediyeen in la diyaariyo ciidan 7500 askari gaadhaya kuwaasoo la dagaalami doona kooxda BOKKO Haram oo ka dagaalanta Galbeedka qaaradda Afrika.
Madaxweynaha ugu da’da weyn madaxda Qaaradda Afrika, sagaashan jirka mudada 35 sanadood ah soo hogaaminayey Dalka Zimbabwe Mr Robert Mugambe ayaa la arkayey isagoo gacmaha u haadinaya madaxda kulanka  fadhiday, ka dib markii loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha ururka midnimada Afrika, waxana uu bedeli doonaa gudoomiyahii hore madaxweynaha Dalka Muritaniya Mohamed Ould Abdel Aziz.
Mr Robert Mugambe oo doorashadiisii ka bacdi la hadlay shirweynaha aya yidhi: ‘Doorashada aad ii garateen inaan hogaamiyo hay’addan Afrika, iyo waayo’aragnimada dareenka xambaarsan ee aan u leeyahay shaqada ina sugaysa waxaan idinka aqbalay soo jeedintiina” halka sidoo kalena uu shirweynaha ka xusay xusuustiisii ku saabsanayd shirkii ururka midnimada Afrika ee sanadkii 1963 oo uu goobjoog ka ahaa isagoo u ololeeya xornimo ay hesho Zimbabwe oo uu madaxweyne ka noqday markii ay xorriyadeeda heshay sanadkii 1980-kii.
Hogaamiyahan hore ee jabhadii xoraynta Zimbabwe oo ah madaxweynahii sadexad ee ugu mudada dheeraa taariikhda hogaamineed ee Qaaradda Afrika ayaa haystay kalsoonida in badan oo dadweynaha qaaradda, waxana uu ka mamnuuc yahay inuu safar ku tago dalalka midowga yurub iyo Maraykanka.
 
Madaxweynaha Dalka Masar ee Millaterigu taageeraan Cabdifataax ZiiZii ayaa jaray ka qayb galkiisii shirkasi dibna ugu laabtay dalkiisii ka dib markii ay soo kordheen khasaarihii ciidamadiisa ka soo gaadhay weeraro ay kooxda Baytul-Maqdis ku qaaday xeryo ciidamadu leeyihiin oo ku yaalla magaalada cariish oo dhacda lama degaanka siinaay.
 

Leave a Reply