Maxaad Ka Taqaanaa 10 Diyaaradood Ee Ugu Khatarsan Diyaaradaha Dagaalka?

0
730

3:Su-27:waa diyaarad  kamid ah diyaaradaha dagaalka ee dalkaasi Ruushka,waana diyaarad ka caana caalamka,iyada oo noocyadeedii ugu horeeyey lagaga soo qayb qaatay dagaalkii labaad ee adduunka,waxaana magaceeda oo dhamaystiran loo yaqaanaa Sukhoi VCU27,waxay lee dahay awood aad u saraysa ,iyada oo duqayn karta meel kasta oo loo qorsheeyo ama taargat keedu yahay,waxaanay wax ka dili kartaa masaafo dhan  3530 km.
Waxaana dhowaan lagu sameeyey dib u casriyeyn,iyada oo kamid noqotay diyaaradaha ugu fiican waqtigan ee dagaalka,kuwaas oo loo yaqaano Best Fourth-generation ,waana diyaarado xul ah oo laysla yaqaano.
4:Euro Fighter Typhoon:waa diyaarad kamid ah diyaaradaha ugu dheereeya kuwa dagaalka ee caalamka,iyada oo saacado yar gudohood ku jari karta xawaare aad u sareeya,waxaana sameeyey company ay ku midaysan yihiin wadamo badan ,waxaana kamid ah dalalkaasi Britain,Spain,Germany iyo Italy.
Waxaanay kaalin weyn kaga jirtaa diyaaradaha dagaalka ee caalamka,iyada oo lagu sameeyey technology sare oo caalami ah,iyada oo lagu rakibay ama lagu xidhay qalab difaac oo sareeya,kaas oo lagula socon karo weerar kasta oo cirka iyo dhulka ah,isla waqti keliyaata lagu difaaci karo laguna weerari karo.
5:JAS 39 Gripen:diyaaradan ayaa iyaduna ah mid aad u khatar badan marka la eegaayo dhinaca dagaalka,waxaanay xambaari kartaa ilaa sideed gantaal oo kuwa khatarta ah ,sidoo kalena waxay xambaari kartaa sideed bambaano oo iyaguna cul culus,waana mid kamid ah diyaaradaha sida aadka ah loo farsameeyey,kuwaas oo aanay qaban Karin Radaaradu,waxaanay ka beegsan karaan meelahay weerarayaan masaafo dhan 120 km,iyaga oo sidoo kalena duqayn kara meelo ka fog fog masaafooyinkaasi,iyaga oo adeegsanaaya gantaalo kala duwan iyo bambaanooyin.
Lasoco…..
 

Leave a Reply