Qalab Lagu Ogaanaayo Gaajada Iyo Dherega Laguna Dhimaayo Baruurta Saa’idka Ah Oo La soo Saaray

0
418

Waxa markii ugu horeysay lasoo saaray qalab cusub oo lagula dagaalamaayo Buurnida,sidoo kalena lagu kala saaraayo laguna maamuli karaayo dherega iyo gaajada labadaba,waxaana  hawshan si weyn uga qayb qaatay uguna dedaalay sidii loo soo saari lahaa khubaro ka tirsan hay’ada cuntada iyo dawooyinka ee dalkaasi Maraykanka,iyada oo hawshan lagu jiray muddo sideed sanno ah.
Qalabkan ayaa loo yaqaanaa Maestro system,iyada oo qayb caloosha kamid ah la gelinaayo kadib marka qofka qaliin lagu sameeyo,waxaana loogu talo galay in lagu dareemo gaajada iyo sidoo kalena dherega labada,waxa ay aaladani ka shaqayn doontaana waa ogaanshaha labadaasi xaaladood.
Qalabkan ayaa la dhigi doonaa ama la gelin doonaa meelo u dhow meelahay ay ku kulmaan xididada  u kala baxa maskaxda iyo caloosha ,kuwaas oo inta badan maamula waxyaalaha dareen ee caloosha ka socda,waana  meelaha dareenada kala duwan dira una dira maskaxda marka la dareemo gaajo ama dhereg.
Qalabkan loogu talo galay in lagaga hortago buurnida xad dhaafka ah ayaa ah mid muddo dheer laga fikiraayey sidii loo ikhtiraaci lahaa,waxaana inta ugu badan la qoondeeyey in loo diro suuqyadda Carabta,kuwaas oo dhibaato weyni ka haysato dhinaca culayska,waxaana la sheegaa in dadka ugu badan ee ka cabanaaya buurnida ay ka yimaadaan wadamada Carabta,gaar ahaana wadanka Sucuudiga,iyada oo qalinadooda ugu badan lagu sameeyo wadanka Maraykanka.
Dalkaasi Sucuudiga ayaa dadkiisa lagu sheegay inay caalamka ka yihiin dhinaca buurnida 36%,iyada oo wadanka Maraykankana laga dhigay mamnuuc in dadku ay ka buurnaadaan 50 kg ilaa 70 kg,iyada oo dadkaasna lagu dedaalaayo in la dhiso jidhkooda.
Kooxdan qalabka samaysay ayaa sheegay inay tijaabadii hore ku guulaysteen,iyaga oo ku tijaabiyey dad aad u culays badan,kuwaas oo markii dambe 8% noqday kuwo halkoodii hore kusoo noqday,waana qalab ay sheegeen inay ku guulaysan doonaan ugu dambaynta dhowaana suuqyada caalamka soo geli doona.

Leave a Reply