Shirkadda Horyaal iyo Kaalinta ay ka Qaadato Casriyeynta Dhismayaasha Dalka

0
465

Hargeysa (Dawan)- Shirkadda casriyeynta guryaha ee Horyaal Group (ALBAIT Decoration) oo ka hawlgasha dalalka Somaliland, Jabuuti iyo maamul-gobolkeeda Soomaalida ee Puntland, ayaa qurxinta ay ku samayso dhismayaasha kala duwani soo jiidatay indhaha dadweynaha.
Shirkaddan ayaa dib-u-casriyeyn iyo qurxin aad u layaab leh ku samaysay dhismayaal fara badan oo isugu jira kuwa ganacsi, xarumaha shirkadaha waawayn sida Dahabshiil iyo Telesom, hudheello iyo guryo caadi ah, kuwaas oo u samaysay muuqaallo soo jiidasho leh gudaha iyo dibaddaba.
Maamulaha shirkadda Horyaal Group (ALBAIT Decoration) Foosi X. Cabdillaahi Dirir oo ka qaybgalay xaflad shirkadda Dahabshiil kaga dhawaaqday adeegga e-DAHAB oo xaruntiisa magaalada Hargeysa ka mid tahay dhismayaasha ay casriyeysay, ayaa warbaahinta uga warramay shaqadooda iyo waxyaabaha soo kordhiyeen.
“Shirkadda ALBAIT Decoration oo caan ku ah qurxinta dhismayaasha ee gudaha iyo dibaddaba waxay ka shaqaysaa Jabuuti, Somaliland iyo Putland oo saddexdooba aannu ka qabanay shaqooyin badan oo ku saabsan qurxinta iyo bilicda casriga ah, taas oo qayb ka ah horumarka dalalkan oo shirkaddayadu ku leh macaamiisha ugu badan ee qurxinta dhismayaasha,” ayuu yidhi Mr. Foosi Cabdillaahi Dirir.
Maamulaha oo ka hadlayey dhismayaasha ay casriyeynta ku sameeyeen Somaliland, waxa uu yidhi, “Dhismayaasha aannu casriyeynta ku samaynay waxa ka mid ah dhammaan kaalmaha shidaalka ee shirkadda HASS Petrolium, xarumo ka mid ah kuwa shirkadda Dahabshiil, xarumaha shirkadda Telesom ee Laascaanood ilaa Boorama, shirkadda Somtel oo iyadana aannu qurxinay xarumaheeda Laascaanood ilaa Boorama.”
Waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyey qaabka ay qurxinta ugu sameeyaan guryahay iyo waxyaabaha ay u adeegsadaan, “Guri aad u qadiim ah oo baaba’ ah ayaanu ku xidhnaa naqshaddii u dambaysay ee qurxinta casriga ah, markaa bilicda gurigaasi wuu isbeddelayaa gebi ahaanba, gudaha gurigana waxaannu u habaynaa dhawr nooc sida samaynta jibsanta, marinta rinjiyada casriga ah oo qurux badan.”
Mr. Foosi waxa uu tilmaamay in qorshaha sannadkan cusub ee shirkadoodu yahay hiigsi ka fog halka ay waqtigan joogaan, “Sannadkan 2015-ka waxaannu noo qorshaysay in aannu dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Putland ku soo bandhigno waxyaabo aad u qurux badan indhaha dadka cajabiya Isha Allah,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey maamulaha shirkadda qurxinta casriga dhismayaasha ee Horyaal Group (ALBAIT Decoration.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply