Waa Gudoonka Rabitaanka Shacbiga.

0
478

Dalka Somaliland iyo shacbigiisu waxay soo mareen marxalado kal gedisan laga soo bilaabo sanadkii 1991kii, oo mid waliba ay sii horumarinaysay Geedi socodka Dhismaha Dalka iyo Taaba Gelinta Tiirarka dimuqraadiyada taas oo laga soo gudbay, doorashooyin laga soo bilaabo kuwii dawladaha hoose ilaa tii madaxtooyada, oo aduunka tustay biselka Somaliland ay muujisay, taas oo ku timi dadaalka wada jira ee shacbiga Somaliland oo meel uga soo wada jeeda danta qaranka.
 
Doorashadii madaxtooyada ee lagu doortay madaxweynaha Ahmed Mahamud silanyo, wuxu helay 52% taas oo muujinaysa guul shacbiga iyo doorasho madaxweyne ay hubaan shacbiga Somaliland inuu u soo maray marxalado kala gedisan oo ay ka mid ahayd sidan.

  1. Isagoo ahaa masuul weyn oo xil lagu qadariyo ka hayey xukuumadii siyaad bare, wuxuu goostay inuu xilka iyo raaxada uu ku haysto,uu uga soo baxo danta shacbiga Somaliland.
  2. Wuxuu ku soo biiray xisbigii SNM isagoo loo doortay Gudoomiye taas oo uu hayey mudadii ugu dheerayd madaxtinimada hogaanka SNM isagoo u adkaystay inuu halgankii socday ilaa ay gaadhay xoriyadii iyo gooni isu taagii Somaliland.
  3. Wuxuu noqday musharaxa kaliya ee  Africa ee tartan ku jira madaxtooyo oo ku qancay in 80 cod lagaga helay doorashadii, isaga oo eegaya danta shacabka.
  4. Labadii kormeer ee uu ku soo maray dalka, wuxuu kasbaday kalsoonida shacbiga Somaliland, taas oo uu noqday madaxweynihii ugu horeeyey oo soo mara dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka.
  5. Mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda min tuulo ilaa caasimada waxay u qaybsan yihiin qaar uu hada soo furay iyo qaar uu hada soo dhagax dhigay,iyo qaar ku jira qorshaha oo la dhamayndoono dhawaan.
  6. Madaxweynu balankii uu u qaaday shacbiga waxa muuqata inuu fuliyey 85% inta kalena gacantaa lagu hayaa
  7. Hirgalinta wadooyinka dalka gaar ahaan wadada mucjisada ah ee ceeri gaabo,oo aan xataa la soo hadal qaadin mudo 100 sano ah, iskadaa in wax laga qabte.

 
 
Arrimahaa  aynu soo sheegnay oo ka mid ah  guulaha aan la tirin Karin ee ay xukuumadu gaadhay mudadii ay xukunka haysay, waxaa qiray dhamaan gobolada dalka Somaliland, oo kana makhraati furay uguna balan qaaday madaxweynaha inay doortaan shanta sano ee soo socdana, taas oo ay ugu abaal gudayeen wax qabadka uu u qabtay shacbiga.
 
 
Xisbiyada mucaaridka ah gaar ahaan xisbiga wadani,iyo gudoomiyihiisa curdinka ku ah siyaasada dalka, waxaa haboon inuu kala saaro wax qabadka shacbiga loo qabtay, oo ah danta qaranka iyo mucaaridnimada ku qotonta wax kasta oo wanaag ah oo la qabtay waxaa haboon inay kala saaraan (diidmo iyo doonis ).
 
Ugu dambayntii odoroska siyaasada ee doorashada madaxtooyada waxaa muuqata in lasoo gabagabeeyey oo shacbigu ay siiyeen kalsoonidooda siday kaga balan qaadeen meel  kasta oo uu soomaray.
 
Madaxweynuhu waxa uu dhawr jeer si rasmi ahaan ah ugu dhawaaqay inay doorashadu dhacayso wakhtigedii, mana jirto sabab ay ugu marmarsoodaan mucaaridku in dib loo dhigaayo, ( wadaniyoow hurdo kale keen ) midaanka tartanku wuu furan yahay hadii aad wax isku haysaan.
Arrinta  Awdal waxay ku soo dhamaatay kalsooni iyo taageere buuxda, jiritaanka qaranimada Somaliland taas oo ah kalsooni buuxda oo la siiyey xukuumada Somaliland iyo Hogaankeeda, waxaa meesha ka baxay fal abuuristii iyo been ka sheega shacbiga Awdal oo iyaku dhigay gogoshii lagu Taagay jiritaanka Somaliland, taas oo ay ku kasbadeen inay xubinka noqdaan madaxtooyada muddo 23sano ah, 8 sano oo kamid ahna ay hayeen xilka madaxweynaha, maantana 3da musharax ku xigeen ee madaxtooyada ee 3da xisbi qaran ay ka soo wada jeedaan Gobolka Awdal.
Ugu dambeyntii  waxaanu ku hambalyaynaynaa madaxweynaha iyo marwadiisa gudashada xilkiisa iyo kartida iyo awooda uu helay inuu soo maro socdaalkii dhawaan ee loogu magacdaray ( buur iy banaan )
Waxa kale oo an u mahad celinaynaa shacbiga Somaliland ee sida weyn usoo dhaweeyey Gaar ahaan Gobolada mi n galbeed ilaa bari, taas oo madaxweynaha u ah kalsooni siin iyo Abaalmarin.
 
Mucaaradkana ku ah Jawaabsiin iyo taabsiin xaqiiqda dhabta ah, waxaanan aad ugu hambalyaynayaa wasiiradii iyo waftigii kale ee la socday madaxweynaha oo waliba aan si gaar ah u Amaanayo sida dhabta ah ee ay uga turjumayeen wax qabadka xukuumada ee gobolada dalka sida wasiirka arimaha gudaha,wasiirka madaxtooyada iyo wasiirka warfaafinta oo qayb weyn ka qaatay, tayaynta safarkaas oo loo bixiyey (Mucaarid Qanciye iyo Guul doorasho madaxweyne markii labaad)
 By: Xasan  Suudi Xirsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply