Waa Maxay Shaqada Baanka Dhexe?

0
602

Erayga Bank waxa uu ka yimi erayga Talyanig ah ee Banco, kaasi oo lagu magacaabi jiray miis maro giriin dusha laga saaray oo lacagta lagu kala bedelan jiray qarnigii 12aad. Kaasi oo markii danbe isu bedelay goobtii lacagta lagaga ganacsan jiray
Bangiga dhexe ee u horeeyay taariikhda waxa laga furay magaalada Amstradam ee dalka Holand sanadkii 1609, iyadoo Holand wakhtigaasi ka mid ahayd quwadaha dhaqaale ee dunida. Waxaana loo sameeyay Baanka dhexe inuu noqodo hay’ad sharci oo madax banaan inkastoo shaqadiisa iyo tan golaha xukuumadda ay si adag isugu xidhan yihiin.
Baanka dhexe waa hay’adda masuulka uga ah dalka kormeerka iyo agaasimidda nidaamka bangiyad dalka.  Bangiga dhexe waxa kale oo uu si gaar ah masuul uga yahay inuu ilaaliyo qiimaha lacagta dalka, xoojinta koboc dhaqaale, xakamaynta sicir bararka, iyo weliba in la yareeyo shaqo la’aanta. Dalalka dunida ayaa ku kala duwan qaabka masuuliyadiisa iyo shaqadiisa laakiin sida caadiga ah waxa jira ariimo ay ka midaysan yihiin  oo ay ka mid yihiin :
Dejinta iyo hirgelinta siyaasadda lacagta ee dalka (monetary policy), samaynta lacagta dalka, ilaalinta iyo dabagalka nidaamka bangiyada ka furan dalka, kaydka lacagta qalaad iwm. Waxaana loo yaqaana baanka dawlada ama baanka bangiyada.
Baanka dhexe waa hay’adda ugu saraysa ee dawladda ee gacanta ku haysa siyaasadda lacagta, Waxaana uu awood u leeyahay inuu soo daabaco lacag cusub haddii loo baahdo. Waxa kale oo uu awood u leeyahay inuu kormeero oo hubiyo sida ay u shaqaynayaan Baananka ganacsiga ee dalka ka sheqeeyaa.  Wuxuuna ka qayb qaata taageeridda dhaqaalaha si loo gaadho ujeedooyinka koboca dhaqaale ee dalku higsanayo……

 

Leave a Reply