Walaalo Mataano Ah Oo Aan Maalin Keliyaata Kala Tegin Muddo 103 Sanno Ah

0
404

Waxay da’doodu gaadhaysaa labadan islaamood ee mataanaha ah  103 sanno,waana inta aanay kala tegin ,xataa hal second ama minute ha noqotee,waxaanay arkeen una soo joogeen 19 ra’isal wasaare oo ay yeelatay dawlada dalkaasi Britain,sidoo kalena waxay usoo taagnaayeen markii dhaxalka boqornimo la saaray boqorkii dalkaasi Ingiriiska ee lagu magcaabi jiray King George V oo la yidhaahdo George kii 5-naad,waxaanay noqdeen mataanaha ugu weyn dalkaasi Britain iyo Caalamkaba.
Labadan islaamood oo lagu kala magcaabo Florence Davis Iyo Glenys Davis ayaa weligood kala maqnaaday muddo gaadhaysa 5 minutes,taas oo ahayd 22 november ee sannadkii 1911,waxaana waqtigaasi la midkood ay tagtay aroos ay lahayd gabadh lagu magcaabi jiray Skinta oo ka  dhacay guri ku xigay.
Waxaanay ku wada noolaayeen guri ,iyaga oo gurigaasi ka baxay ama ka guuray hal mar,waxaanay markaasi u guureen guri ku yaaley isla magaaladaasi ay ku nool yihiin,sida lagu sheegay warbixin lagu qoray jariirada lagu magcaabo The Daily Telegraph oo dalkaasi Britain kasoo baxda.
Jariiradan ayaa lagu sheegay qoraalka lagu qoray in markay labadan islaamood cid la balayaan ay kula balamaan isla meel qudhaata,kuwaas oo usoo lebista sida ugu quruxda badan,sidoo kalena isku wax kusoo lebista,taasina ay dadka dareensiiso farxad balaadhan oo ay tusaan,waana dad fur furan ayaa lagu yidhi warbixintan.
Qoyska labadan mataanood ayaa ah kuwo aad  u fiirmay,iyaga oo sidoo kalena leh xanuuno ay hinde u lee yihiin,kuwaas oo noqday labada qof ee keliyaata ee ka badbaadey,waxaana xusid mudan in qoyskaasi intoodii badnayd u le’deen xanuunadaasi ay hindaha u lee yihiin.

Leave a Reply