“Xukuumadda Siilaanyo Waxay Dabarkii Siyaasadda Ka Qaaday Dhalinyarrada”

0
389

Hargeysa (Dawan) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay fulisay balan-qaadyaddii ay u qaaday dhalinyarrada  xiligii lagu jiray ololihii doorashadii 2010-kii, waxaanu tilmaamay in Maayarrada Magaallooyinka dalka ay u badan-yihiin dhalinyarro.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo u waramay Barnaamjika dhalinyaradda ee ka baxa TV-ga qaranka, ayaa waxa kale oo uu sheegay in xilalka ugu sareeya Dawladda ay dhalinyaraddu ka dhex-muuqadaan.
“Dhalinyarradu waxay ku suntan yihiin guushii Xisbiga KULMIYE oo ka dhalatay dawlada uu maanta gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha qaranku Md. Axmed Maxamed Siilanayo , waxa jiray balan-qaadyo Xisbigu markaas galay oo ku aadanaa dhalinyarrada haddii ay tahay inay siyaadda ka qayb galaan iyo hadii ay tahay in horumar, waxbarasho iyo mid Bulshaba la gaadhsiiyo. Xukuumaddu waxaan is leeyahay wey fulisay qodobbada ay dhalinyarrada u balan qaaday intoodii badnayd,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta oo u waramay barnaamijka dhalinyarrada ee ka baxa TV-ga qaranka.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu ku dooday  “Haddii aynu eegno dhinaca waxbarashadooda sidaad ka war-haysaan Dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe waxbarashadooda bilaash baa laga dhigay, taas oo keentay inay kordhaan da’yarteenna doonaysay inay waxbarashada galaan oo tiro aad u badan marka la eego maanta iyo markii ay Lacagta ahayd farqi aad u weyni u dhexeeyo.”
Cabdiwaaxid Cabdiqaadir waxa uu sheegay in Maayaradda magaalooyinka dalka badanoodu ay dhalinyar-yihiin, waxaanu yidhi “Dhinaca siyaadda haddii ay tahay waxa dabarka laga furay Dhalinyaraddu inay siyaasadda ka qayb-galaan oo aad ogtihiin Markhaatina waad ka tihiin Goleyaasha deegaanka, iyada oo uu jiray Xeerka Doorashooyinka Xukuumaddu soo jeedisay iyadda oo  da’da goleyaasha lagu galo oo 35 ahayd maantana 25  laga dhigay, taas oo keentay in Maayarrada Magaalooyinka  waaweyn ee dalka oo Caasimada Hargeysa ay ka mid tahay  inay maaanta Raga dhalinyarro ahi Maayarro ka yihiin.”
Wasiir ku xigeenku waxa uu intaas ku daray “Sidoo kale Xukuumadda dhexe hadday tahay Golaha Wasiiradda, Agaasimayaasha guud, Maareeyayaasha, Agaasime-waaxeedo iyo dhinacyo badan ayaa maanta Xukuumadda ka dhex-muuqada oo dhalinyaro ah oo halkii awal laga odhan-jiray dhalinyaradu waa madaxda berito, Xukuumaddani waxay ka dhabaysay in dhalinyaradu ay noqoto madaxda maanta.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply