Hargaysa (Dawan): Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xadhiga ka jaray 350 guri oo loo dhisay dadka danyarta ah ee degan xaafadda Sheekh Sancaani oo ky taalla koonfurta Hargaysa.
Guryahani oo dhismahooda ay maalmgelisay dawladda Japan, waxaa hirgelinta dhismahooda fulisay hay’adda UN-habitat, iyadoo ay ka qayb qaadatay qorshayntoodda wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland iyo dawladda hoose ee caasimadda.
Munaasibadii uu dhismaha guryahaasi xadhiga kaga jaray madaxweynuhu oo ka dhacday xaafadda Sheekh San-caani ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin iyo dadweyne tiro badan oo isugu jiray Wasiirro, xildhibaano, Madax dhaqameed, masuuliyiin ka socday hay’adihii gacanta ka gaystay mashruucaasi iyo dadweyne aad faro badan.
Madaxweyne Siilaanyo, oo hadal ka jeediyay xafladaasi waxa uu sheegay in ay aad uga war hayn doonan dadka Danyarta ah isla markaana ay ku dedaali doonaan ka xukuumad ahaan in ay ka soo baxaan Waajibka ay ku leeyihiin dadka Danyarta ahi.
Isagoo madaxweynuhu si aad ah ugu mahad naqay hay’adaha iyo dawladaha gacanta ka gaystay hirgelinta guryahai loo dhisay dadka danyarta ah. waxaana uu yidhi “Dadweynaha halkani isugu yimid ee qiimaha iyo qaayaha leh aad iyo aad ayaan idiinka mahad celinyaa sida wacan ee dhaqanka idiin ah ee aad noo soo dhawayseen. waxa aan leeyahay halkan aynu joogno ee aynu u dabaal degayno isla markaana aynu dejinayno dadkii qaxoontiga ahaa oo aynu doonayno in ay meel fiican iyo wax wanaagsan ku nooladan . waxa weeyi in aynu u mahad celino dawladihii iyo Hay’adihii ka qayb galay aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa.
Waxaan idiin cadaynayaa in haddii aanu nahay xukuumada Somaliland in aanu diyaar u nahay oo qayb libaax ka qaadan doono wixii dadka dantiisa ah ee Umadaas Qaxoontiga ah aanu waajibka naga saaran ka soo baxno Insha Alla.”
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Dejinta Axmed Cabdi Kaahin oo isna Munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka sheekeyey Marxaladihii kala duwan ee uu Mashruucani guryaha lagu dhisay soo maray.isagoo xusay in talaabadani ay ka mid tahay qorsheyaasha u yaala xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo.
“Waxa aan Dadweynaha u sheegay aniga oo mahad naqaaya hay’adaha nagala qayb qaatay Mashruucan in aan halkan oo qudha waxba laga dhisayn balse Gobolada Somaliland oo dhan laga dhisaayo siyaasadaasina ay tahay siyaasadii uu Madaxweynuhu noo dhigay ee uu yidhi danyarta wax haloo qabto. Waxa aan idin leeyahay kuwa beri idin odhanaaya waxba Dawladu may dhisin ,waxa aad ku tidhaadan beenalayaal anagu dhagax aan dhigo waa aanu dhisnaa oo aanu furnaa. Hay’ada WFP waxa ay balan qaaday in ay wadada xaafada u dhisaan iyo in ay raashin idin siiyan ee taasna ogaada jidka dhibaatadu ka jirta waa la idiin dhisayaa ee sidaa u ogaada” ayuu yidhi wasiirku.
Gudoomiyaha Xaafadda Sheekh San-caani Cumar Aadan Caraale, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo maray Mashruucan isaga oo Madaxwaynaha usoo bandhigay baahiyaha kala duwan ee xaafadaasi qabto.
waxaanu yidhi “waxa aan halkan mahad naq balaadhan uga jeedinyaa Dadweynaha reer japan oo iyagu bixiyey ama ku deeqay lacagta lagu dhisay guryahan iyaga oo soo mariyey Hay’ada Un Habitat. Mashruucani waxa uu ka kooban yahay 350 guri iyo agabkoodi Dhammaan waxa aan si wada jir ah uga mahad celinayaa Hayadihii ka qayb qaatay Mashruucan , Waxa aan jeclahay in Madaxweyne aad wax nagala qabato baahida xaafadan oo ana soo koobi Karin basle aan kaga sheegi karo uun wadada isku xidhayasa xaafada iyo magaalada inteeda kale oo Dhan 2km in aad noo dhisto ,iyo in aad noo hirgeliso sariibad balaadhan iyo in aad noo samayso Dugsi sare oo Xaafadu ma laha dugsi”.
Dhinaca kale Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo isna ka mid ahaa Masuuliyiinta Madashaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad naqay dhamaanba madaxdii kala duwanaa ee xafladaasi ka soo qayb galay.
Waxaana uu yidhi “Marka hore waxa aan salaamayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud , Wasiirada , Xildhibaanada Hayadaha iyo Dadweynahaba , Dhammaan cidkasta oo kasoo shaqaysay barnaamijkan oo Wasaarada waxbarashadu ugu horayso iyo dhalinyaradii fikirkan keentay waa aan u mahad naqayaa”.
Sidoo kale waxaa iyagna halkaasi ka hadlay Masuuliyiin ka socday Hay’ada Un Habitat oo ay ka mid ahayd Ms Caasha iyo Mss Ana oo dhammaantoodba ka warbixiyey sida uu Mashrucan u guulaystay iyaga oo sheegay in Mashruucan uu Ku baxay qiime lacageed oo dhan 3 melyan iyo badh .
Ms Ana ayaa sheegtay in Mashruucan mid la mid ah ay ka bilaabeen Gobolada Togdheer,Saaxil Iyo Awdal isla markaana ay dhawaan bilaabi doonan dhismahooda.
By Siciid Faarax Cagjar
Dawannews Hargeysa ofice