Daacish oo Nolosha ku Gubtay Duuliyihii Joordan

0
426

Maleeshiyada Daacish ayaa sheegtay in ay nolosha ku gubeen bayloodkii reer Joordan ee ay haysteen. Muuqaal  fiidyow ah  oo ay kooxda Daacish  ku baahisay online xalay ayaa muujiyay duuliyaha Joordan  laba xiddigle Moaz al-Kasasbeh oo nolosha ku gubanaya.
Fiidyowga oo aan markiiba  la caddeyn  ayaa waxa ka muuqanaya nin dhex taagan qafas bir ah  isaga oo uu qabsaday  ololkii.
Lafdhant  Moaz al-Kasasbeh  ayaa la qabtay kadib markii dayaaraddiisii dagaalka lagu soo ridey  meel dhow magaalada  Raqqa, Syria, bishii December isaga oo qayb ka ahaa duqeymaha isbaheysiga milateri ee ka dhanka ah Daacish.
TV Joordan ayaa xaqiijiyay dilka, isaga oo sheegay in la dilay bil ka hor.
Muuqaalka fiidyowga ayaa isaga oo  online ah salaasadii loo qaybiyay  on Twitter account lagu yaqaan inuu yahay isha dacaayadaha Daacish.
Qof ka mid ah ehelka  Lt Kasasbeh ayaa u sheegay  Reuters news agency inay ciidamada amnigu ku wargeliyeen qoyska in la  khaarajiyay. Arintan ayaa timi ka dib markii ay fashilmeen wadahadalo u socday Jordan iyo Daacish oo ahayd in la sii daayo gabadha maxbuusadda ah ee reer Ciraaq ee Maajida Riishawi.
 

Leave a Reply