Markii Uu Shaqadiisa Bedelay Ayuu Miisaankiisu Dhacay

0
603

Waxa u suurtgashay Jemy Broak  oo u dhashay dalka Ingriiska inuu dhimo 100 kg miisaankiisa xad dhaafka ah. Wiilkan 31 jir ah ayaa miisaankiisu gaadhay 230 kg.  Jemy oo ka shaqayn jiray mid ka mid ah huteelada cuntada muddo 15 sano ayaa gaadhay miisaan xad dhaaf ah. Lakiin Jemy aya shaqo kale oo ah qaybinta waraaqaha fariimaha ah ka helay shirkad kale.  Shaqadan cusub aya keentay in miisaankiisu hoos aad ugu dhaco ka dib markii uu socod badan  galo. Waxaana uu yidhi “ Waan ku faraxsanahay, waayo   waxay igu haysay dhib badan baruurtan xad dhaafka ahi xata waxa la iigu bixiyay magacyo aanan jeclaysan qaarkood sida “Buurane”, Tareenka, Foosto iwm. Hadda waad arkaysa dharkii aan xidhan jiray sida ay aad iiga weyn yihiin.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here