“Waxaa Naga Go’an Inaan Hawada Somaliland Laga Xukumin Xamar,ICAO-na Waanu u Cadayanay”

0
424

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay  aqbalayn in hawadeeda lag maamulo Soomaaliya, isla markaana ay jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa hore ugu cadeeyeen in haddii ay arrintaasi dhacdo in ay go’aan ka qaadan doonaan.
 
Wasiirka Duulista Hawadda iyo gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo u waramay telefishanka Universal waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin hadallo dhawaan ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan dawladda Xamar, kuwaasi oo sheegay in lagu wareejiyay maamulka Hawadda wixii la isku odhan jiray Soomaaliya.
“Annaga oo xaqiijinayna  ilaalinta  qaranimadda Somaliland waxaa naga go’an in aan  Hawadda Somaliland laga xukumin Xamar iyo meel kale toona.  Soomaaliya Qarankii la odhan jiray ee burburay  ee kala baaday waa  la noo wada maamulaa dhamaantayo hawada,  Nairobi ayaa laga maamulaa Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan hawada ee  ICAO ayaa haysa  go’aan ka soo baxay Golaha Amaanka oo 924 la odhan jiray ayaa lagu ansixiyay,  xiligii burburku dhacayna iyagaa  lagu wareejiyey” ayuu yidhi wasiirku.
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Sidii baanay u hayaan oo ilaa hadda gacanta Soomaalida laguma soo celin, anaga mawqifkayaga  ICAO waanu u cadayanay, Qaramada midoobayna waanu u cadaynay ma suuroobi karto in hawadayada laga maamullo Xamar, umadda reer Somaliland waanu ku kalsooni galinaynaa waana hadal layska yidhi, way sahalan tahay in hadalo layska yidhaahdaa maalin walba walaaladayo dee waxbay sheegaan, waanu is ognahay isma itaal dhaano, awooda ay kula wareegaana ma laha, haday Qaramada midoobay ku kacdo talaabadaana, anaguna waxaanu leenahay Istaraatajiyado aanu xaqiijin doono oo  aanu u sheegnay  talaabooyinka aanu waliba qaadi doono Qaramada midoobay.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay dhawaan ka hirgelinayaan madaarka diyaaradaha Hargaysa duulimaadyadda xiliga habeenkii, isla markaana ay  soo iibsadeen nalka madaarka ee xiliyadda habeenkii.
Waxaanu tilmaamay wasiir Xaashi in sidoo kale ay madaarka ka socdaan mashaariic  casriyayn ah sida dhismaha xarunta dab-demiska garoonka diyaaradah Hargaysa. Waxaanu yidhi “Dhawar bilood ka dib ayaanu doonaynaa in aanu habeenkii ka bilawno duulimaadyadda,  Laydhkii waanu soo iibinay dawlad ahaan ayaanu   ku iibinay,  dawladda  China  ayaanu ka soo iibsanay waa la soo rarayaaa wuxuu noqon doonaa Garoon maalin iyo habeenba laga duullo.  waxaanu samayn doonaaa oo aanu hada gacanta ku haynaa goobtii Dab-demiska,  Gaadiid waaweyn oo casriya ayaanu keenay  shaqaale ayaanu tababarnay Taangi weyn oo kaydka biyaha ah ayaanu samaynaynaa oo aanu Gacanta ku haynaa.”
Dhinaca kale wasiirka Duulista mar la waydiiyay  sababta aanay marnaba u dhicin la bedello xubno uu ka mid yahay oo ka tirsan golaha wasiiradda, waxa uu ku jawaabay.  “Anigu ma qabo taasi,   aniga iyo wasiirrada kale mid na lama dooran, Madaxweynaha ayaa na magacaabay, isaga ayaa la doortay ana isagaa na doortay, madaxweynuhu isagaa doorashadeeda leh, inuu ninka uu doono daayo, ka uu doonana eryo, waana awoodaha madaxweynaha.  sabab ayaanu ku sameeyaa taas, mana qabo inay reernimo tahay.
“Keligayna  ma aha Wasiirka aan la badalini wasiirro badan ayaa golaha ku jira oo aan wali la badaldin, oo qaarna Wasaaradihii lagu bilaabay ay joogaan kuwa aanay golaha ka bixin oo wasaarado kuwii hore ka culus loo dhiibay, markaas anigu kali kuma ihi, kuwaasina wasiiro isku reer ah maaha, reernima meesha ma taalo, waa tiim shaqo, dee tiimkaas sida uu madaxweynuhu u kala ciyaarsiinayaa waa hawsha ugu muhiimsan ee hogaamiye qaran u taala, kaftanka iyo dacaayadu way iska furan tahay laakiin maalintii la doono ayaa xilka layga qaadi karaa” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.
Wasiirka oo la waydiiyay sida ay xukuumad ahaan u arkaan   aragtida mucaaridka ee ku aadan in tallo qaran la isugu yimaado haddii ay doorashooyinku wakhtigooda dib uga dhacaan. waxaanu yidhi “Dastuurka Somaliland  tallo Qaran kuma jirto, hab Dhaqankeena siyaasiga ah ee aynu soo baranay ee aynu wax ku soo maamuli jirnayna maaha, markaas Madaxweyen la dortay Madaxweyen la doortay ayuubaa bedeli  kara. waxa weeyi haddii   ay qabsoomi waydo doorashadu  oo daruuf Qaran ayaa loo arkay in la kordhiyo, cida kordhinaysaana anaga (Xukuumadda) ama ahayn ee Golaha Guurtida ayuu ahaa, waar dee anagu cida wax kordhisa ma nihin, qolada doonaysaana ma nihin, rag tunka la baxay oo doorasho doonaya ayaanu nahay, haday farsadu qaloocato oo ay qabsoomi waydana umadda ayaanu kala mid nahay ,wax gaar ah oo nalagu nashuushadeeyo ama nalagu caayna noqon mayso ee Somaliland sune iyo dariiq ayey u leedanahay, ragaasna waxaan leenahay waxa mudan inuu caqligu shaqeeyo, oo aynu caadifada ka gudubno.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply