Dulucda Qodobbadii Ay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Siilaanyo iyo Danjire Ka socday Talyaaniga

0
448

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud SIilaanyo, ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay safiirka dawladda Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya oo todobaadkan booqashadiisii u horaysay ku yimid dalka.
Kulankan ay Madaxweynaha iyo safiirku wadda-yeesheen ayaa lagaga wadda-hadlay qodobo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa cilaqaadka u dhexeeya labada dal iyo sidii dawladda Talyaanigu uga qayb-qaadan lahayd horumarka baaxadda leh ee ka socda Somaliland.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland mudane Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa faah-faahin ka bixiyay kulankan ay Madaxweyne Siilaanyo iyo safiirka dawladda Talyaaniga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya ay wadda-yeesheen, waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waxa Madaxweynuhu qaabilay Safiirka Dawlada Talyaaniga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, Madaxweynaha iyo Safiirku waxay ka wada hadleen sidii xidhiidhka labada dal loo xoojin lahaa iyo sidii loo sii horumarin lahaa, waana markii u horaysay ee uu Somaliland yimaado,  Madaxweynuhuna si fiican buu u qaabilay aad baanu Madaxweynuhu ugu mahadsan-yahay balanta iyo  kulankaasi uu la yeeshay Safiirka. Waxyaabihii Somaliland Talyaanigu u qabtay bay ka wadda-hadleen iyo waxyaabaha aynu mustaqbalka ka filayno, sidaa darteed aadbaanu ugu faraxsanahay in Madaxweynuhu soo dhaweeyo.”
Safiirka Dawlada Talyaaniga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya ayaa sheegay inay tahay booqashadii u horaysay ee uu ku yimaado Somaliland, waxaanu tilmaamay in la dar-dar gelindoono xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Talyaaniga .
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply