638 Jeer Ayuu Ka Badbaaday Dilka CIA, Oo Welina Nool

0
475

Dr. F.Castro Madaxweynihii hore ee Cuba ayaa muddo dheer u ahaa CIA qofka 1aad  ee ay doonayeen in la dilo. Castro wuxu ka dhashay 13 August 1927,  qoys beeralay  ah oo asalkoodu yahay dalka Spain.  Castro ayaa sanadkii 1945 ka qalin jebiyay jaamacadda Hafana wuxuuna ku  sheqeeyay qareenimo.   Siyaasadda ayuu muddo kooban ku jiray ka dibna jaamacadda ayuu dib ugu noqday isagoo sanadkii  1950  ka qaatay shahaadada PHD kuna takhasusay  cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Wakhtigaasi ayuu haddana dib ugu noqday shaqada qareenimda isagoo difaaci jiray shaqaalihii masaakiinta ah ee dabaqadda hoose ee uu shaqayn jiray kooxdii hantigoosadka ahayd. Sanadkii 1952 ayaa loo doortay xubin ka mid ah baarlamanka Cuba. Sanadkii 1953 Markii uu xukunka afgembi ku qabsaday Madaxweyne Batista wuxu noqday mucaarid, iyadoo markii danbena la xidhay  laguna xukumay 15 sano oo xadhig ah.
Sanadkii 1955 ayaa la cafiyay ka dibna waxa loo mustaafuriyay Mexsico waxaana uu halkaasi uga soo gudbay Newyork halkaasi oo ay joogeen dad Cuba  uga soo baxsaday taliska Batista.  Sanadkii 1956 ayuu ku noqday Cuba isagoo ay la socdaan koox kacaankiisa ka mid ahayd, markii ay gaadheena waxay ku faafeen  dalka oo dhan iyagoo la baxay magaca dhaqdhaqaaqa 26 Julay. Bishii Feberweri sanadkii 1959 ayay ku guulaysteen Castro iyo kooxdiisu inay xukunka dalka la wareegaan ka dib markii uu dalka ka baxsaday Batista.
28-kii Bishii November sanadkii 2006, ayuu ka soo daayay Tv Chanel-4 dalka Ingriiska Filim Documentary ah oo uu ku muujiyay in CIA ay isku dayday 638 goor inay disho Castro laakiin ay dhamaantood ku fashileen iyagoo isticmaalay qaabab kala duwan. Sanadkii 2007 wargeyska.Theguardian  ayaa isna 638 goor cadeeyay inay CIA ku fashilantay dilka Castro.  Madaxweynayaasha Maraykanka ayaa mid kasta isku deyay in dilo iyadoo Nixon iyo Regan ay ugu badnaayeen oo kala ahaa 184 Goor iyo 197 Jeer.  Haddaba wargeyska US TODAY cadadkiisa shalay ayaa soo saaray sawirkan Fedal Castro isagoo ay la joogto Xaaskiisa lana kulmay madaxa ardayda jaamacadda Havana todobaadkan. Wargeyska ayaa sheegay inay ka soo xigteen wargeyska maalin lah ah ee Granma kuna  hadla codka xisbiga shuuciga ee Cuba. Taasi ayaa ku cadaynaysa inuu qofku dhinto oo keliya marka ay qadarka Allah (sw) ku noqoto. Castro wakhtigan da’diisu waa 88 jir.
 

Leave a Reply