Abwaan Heesa Oo Daayeerada La Koray

0
451

Sanadkii 1991-kii ayaa Kaymaha dalka Ugaandha laga helay wiil yar oo lix jir ah oo kula nool Daayeerada.
Wiilkan yar oo loo bixiyay Jhon ayaa u baxsaday dhinaca kaynta markii ay da’diisu ahayd 3 sano , wakhtigaasi oo uu arkay muuqaalkii  naxdinta lahaa ee aabihii uu hooyadii ku dilayay. Wiil yar oo hooyadii lagu hor dilay, waa naxdin lakiin naxariista Allah(sw) aya ka ballaadhan tan aadamiga. Naxdintaasi aya keentay inuu galo Kaymaha cabsida leh. Wiilkan yar ayaa Daayeerad nooca Werft ay wada noolayeen mudadaasi kuwaasi oo xanaanayn jiray halkii ay ka dili jireen caruurta yaryar.
Saddex sano ka dib helitaanka Jhon waxa ka danbeeyay markii ay aragtay gabadh  lagu magacaabo Mile isagoo la socda Daayeerada halista ah, waxayna isku dayday inay qabato laakiin way u suura geliweyday. Ka dibna waxay soo kaxaysay rag xoog ah oo wiilka yar soo qabta, xataa markaasi ayay qabashadiisa dhib weyn kala kulmeen maxa yeelay wiilka yar oo diidanaa iyo Daayeerada oo difaacayay in wiilka yar la qabto sida ay iyaguba isu difaacan waxayna isticmaleen inay dhagaxan ku shiidaan. Ugu danbaystiina waxa lagu guulaystay qabashadiisa. Wiilkan yar oo timo jidhkiisa ka soo wada bexeen aya la geeyay xarun lau daryeelo caruurta, taasi oo lagaga daweeyay bacteeriya xiidmaha kaga jirtay. Waxa la baray hadalka maxa yeelay wuxu aha mid aan hadal sida xayawaanka . Jhon oo wakhtigaasi aha mid la nool daayrerada maanta waxa uu ka tirsan yahay xarun caruurta oo uu ka yahay heesaa iyo weliba abwaan kuna taalla dalka Ugandha (Source: Feral child).

Leave a Reply