Hay’adda Fair Fishing Iyo Doorka Ay Ku Leedahay Horumarinta Adeegga Kalluumaysatada Somaliland

0
428

Qormadeena Khayraadka Baddaha oo hadiyo jeer aynu ku faaqidno khayraadka ku duugan baddeena iyo horumarinta xeebaheenna, waxaynu maanta ku eegi doonaa hay’adda Fair Fishing oo ah hay’ad caalami ah, isla markaana ka shaqaysa, kuna hawlan horumarinta adeegyada kalluumaysatada, taasoo muddo sannad iyo dheeraad ah ka hawl-galaysay magaalo xeebeedda Berbera, hawlo badanna oo horumarineedna ka fulisay halkaas.
Xafiiska guud ee hay’adda Fair Fishing ee magaalada Berbera oo aanu booqanay ayaanu idiinka diyaarinay hanaanka iyo qaabka ay hay’addaasi u shaqayso iyo adeegyada ay u fuliso dadweynaha kalluumaysatada ah ee ku dhaqan magaalada Berberaba.
Isu-duwaha Somaliland ee hay’adda Fair Fishing Yuusuf Cabdilaahi Guuleed ayaa nooga warramay xilligii xafiiska hay’addan laga furay magaaladaas, waxyaabaha u qabsoomay intii uu jiray iyo waxyaabaha mustaqbal u qorsheysan inay gaadhsiiyaan kalluumaysatada.
Yuusuf Cabdilaahi Guuleed oo ah masuulka Somaliland ugu sareeya hay’addaas ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay waxyaabaha ay soo kordhiyeen iyo waxay ku taamayaan mustaqbalka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay. “Hay’adda Fair Fishing waxa la aas-aasay sannadkii 2013, waxay leedahay xarun kalluumaysi oo saarta baraf qiimo jaban ah, waxaana laga qaadaa oo keliya dadka lacagta dabka iyo biyaha. Sidoo kale waxay leedahay qaboojiyeyaal waaweyn oo lagu keydiyo kalluunka, waxaana xidhiidh la leh hay’adda in ka badan 40 shirkadood oo kalluumaysato ah oo runtii maalinba maalinta ka dambaysa dhaqaalahoodu soo kabmayo, iyadoo Fair Fishing u saamaxday inay helaan baraf jaban, inay helaan goob dayac-tir fiican oo ay ku dayac-tirtaan kalluunka markay soo qabtaan.
Ka hor intii aanay Fair Fishing halkan (Berbera) ka jirin kalluumaysatadu markay kalluunka soo saaraan waxa dhici jirtay inay waayaan meel bariga ah oo ay dhigtaan inta ay suuq u helayaan, kalluunkuna wuu ka xumaan jiray, dib ayaanay badda ugu daadin jireen, runtii marxalad adag oo ay soo mareen ayay ahayd, maanta taasi ma haysato way kasoo kabteen waxay. Fair Fshing waxay u samaysay xarun weyn oo kalluumaysi oo maalintii soo saaraysa in kabadan laba Tan oo kalluun ah, lana dhigi kalluun xadigiisu aad u badan yahay oo gaadhaya ilaa 25 Tan oo kalluun ah, waxa kale oo ay maalintii soo saartaa shan Tan oo baraf ah, barafkaas waxa loo qaataa badda, kalluunkuna sidiisaba kama maarmo baraf badda ilaa bariga ilaa halka lagu cunayo wuxuu u baahan yahay baraf, weli inoomay suurogelin inaynu magaalooyinka waaweyn xarumo baraf oo waaweyn, inkastoo ay jiraan shirkado gaar ah iyo dad ganacsadeyaal ah oo iyagu intay iskooisu xilqaameen samaystay koonteenaro ay yaalaan qaboojiyeyaal tusaale ahaan Hargeysa.
Fair Fishing adeegan ay u fududaysay kalluumaysatadu waxay u saamaxaysaa inay meel walba gaadhsiin karaan kalluunkooda, iyaga oo aan wax dhib ah la kulmin oo barafkooda haysta, taasina waxay sahashay in dadkii ay niyad helaan oo ay ku dhiiradaan inay kalluumaystaan, waayo markii hore ee ay cusbayd Fair Fishing waxa noo yimi dad gaadhaya ilaa 30 imikana waxay marayaan 40 waxa kordhay toban sannad gudihii, halkaas waxaad ka dareemaysaa korodhka iyo baahida dadku u qabeen adeegyadan, maalin kasta xafiiska Fair Fishing waxa yimaada dad doonaya inay kusoo biiraan kalluumaysiga, waayo waxay arkayaan dhaqdhaqaaqa, bilihii u dambeeyay waxa la dareemayay in wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka baddu ay ku dhiiratay inay tidhaahdo oo ay mamnuucdo kalluunkii dibadda ka imanayay, annaga farxad weyn ayay noo ahayd, waayo waxaanu waqtiga badan dhisaynay ee ay Fair Fishing ku hawlanayd inay midho dhaleen, waxa kale oo la dareemayay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland in dadkii ay kusoo badanayaan cunistii kalluunka, taasoo aan odhan karo Fair Fishing kaalin weyn iyo door weyn ayay ka ciyaartay, marka la eego xaddiga kalluunka ee soo baxaya.
Sannadkii 2014 waxaanu haynaa heerka kalluunka ee soo maray xarunta Fair Fishing ilaa 600 oo Tan oo kalluun ah, kalluunkaasina wuxuu galay dalka gudihiisa iyo suuqyada magaalooyinka, waayo inaynu dibad u dhoofinana awooddaas weli malihin, mustaqbalkana waan rajaynayaa inaynu awooddaas yeelano.
Fair Fishing waxay sidoo kale imika bilawday tukaankii kalluumaysatada, waana xarun ay kalluumaysatadu awood u yeelan doonaan inay ka helaan qalab jaban, waxaanay kalluumaysatadu hadda isticmaalaan qalab duug ah oo ay adag tahay inay ku helaan waxa ay doonayaan, iyadoo aanay jirin qalabka casriga ah ee caalamku hadda ku kalluumaysto, qalabkan aanu u keenay kalluumaysatada dalkeenana waxaan rajaynayaa inay ku guulaystaan inay soo qabtaan kalluun badan si dhib yar, iyadoo aanu filayno inay soo qabtaan laba-laab inta ay imika soo qabtaan, iyadoo ay sannadkan soo qabteen 600 oo Tan, waxaananu rajaynaynaa inay gaadhaan sannadka 2015 kun iyo dheeraad, taasoo uu u sahlayo qalabkan aanu u keenay imika oo runtii waqti badan aanay ku qaadanayn inay badda ku jiraan, imika kalluumaysatadu markay badda galaan waxay ku qaadataa ilaa laba todobaad ku jiraan, taasoo sababaysa in kalluunka tayadiisu xumaato, shiidaal badanna wuu ka baxayaa, waxaasoo dhanna way ka raysan doonaan, waxaanan odhan karaa xaruntan aanu furnay waa xaruntii koowaad ee laga helo qalabka kalluumaysiga oo casri ah, waxaana isticmaali doona dadka kalluumaysatada ah ee badda gala, kuna xidhan Fair Fishing ee kalluunka ku keydsada, barafkana ka qaata.
Fair Fishing-na waa hay’ad caalami ah ganacsi maaha, waananu caawinaa oo keliya kalluumaysatada wax faa’iido ah kama qaadano adeegga ayuun baanu u fududaynaa, tusaale ahaan xarunta qaboojiyeyaasha dadka isticmaala waxa laga qaad oo keliya inta kalluunku u baahan sida biyo joogto ah, dab joogto ah, sida caadiga ahna dadkeenu waxay iska jecel yihiin in wax bilaash ah la siiyo, wixii waa la siiyay, laakiin waxay u baahan yihiin oo keliya in wixii ay wax ku darsadaan maadaama oo dab joogto ah iyo biyo joogto ah uu u baahan yahay kalluunkii, intaas ayuun baana dadka laga qaadaa haddii la yidhaahdo wixii qaata dadkeenu sida aynu wada ognahay waxba sidooda uma ilaashadaan, sidaa darteed maadaama oo aanay Fair Fishing miisaaniyad ka helin meelo kale, intaas oo aad u yar ayuun baanu dadka ka qaadnaa, waxa ka shaqeeya xaruntaas ilaa 21 qof oo dadka si fiican ugu adeega.
Fair Fishing shirkadaha yar yar ku xidhani waxay gaadhayaan ilaa 40 shirkadood, waxaanay leeyihiin ilaa 92 doonyood oo kalluumaysi oo badda gala, waxaana ka shaqeeya doonyahaas in ka badan kun qof oo aanay ku jirin dadka leh doonayahaas, waayo doonyahay waaweyn waxa fuula ilaa 12 qof, halka kuwa ugu ay fuulaan saddex qof, maalin kastana way soo kordhayaan. Runtii waxaan dareensanahay inay tahay fursad weyn oo dhaqaale weynna dawladda usoo hoyn karta, dhalinyarada tahriibaysana shaqaale abuur looga samayn karo, haddii sida ay tahay aynu uga faa’iidaysano, kalluunka inaga dayacma ama sida sharci darrada ah waddamo kale inooga gurtaan waa dhaqaale badan runtii, haddii aynu badda barano maadaama oo markii hore aynu u badnayn xoolo dhaqato runtii dhaqaale ka badan intii aynu xoolaha ka helaynay ayayny ka helaynaa. Sidoo kale faa’iido caafimaad-na wuu leeyahay, sida jidh-dhis.
Fair Fishing ahaan waxaanu u taaganahay inaanu dhisno kalluumaysatada inta imika ku hawlan ee badda gasha, waxaanu aaminsanahay haddii kalluumaysatada la dhiso, iyaga ayay ku dayan doonaan dadka banaanka ka jooga badda ee aan kalluumaysatada ahayn, markaynu imika dadka ama shirkadaha kalluumaysi doonaya inay bilaabaan waxay ka cawdaan inaanay haynin dad xirfadleyaal ah oo aqoon u leh badda iyo kalluumaysiga, mustaqbalkana waxa noo qorsheysan inaanu saddex meelood awoodda saarno, sida dhisidda xirfadda iyo kor u qaadida aqoonta kalluumaysatada iyo dadka badda galaya, taasoo ah in qofkii la tabobarayo lagu tabobaro badda gudaheeda, balse aanu mid wax loo sheego oo keliya, waxaana u samayn doona khabiiro dhinaca badda aqoon dheeraad ah u leh. Waxa kale oo noo qorsheysan inaanu samayno geerash ama xarun lagu hagaajiyo mishiinnada doonyaha iyo laashashka, waayo imika waxa jira mashiinno badan oo u baahan in la dayac-tiro oo la hagaajiso, iyada oo aanay hore u jirin geerash ama meelo lagu hagaajiyo mishiinnada gaadiidka kalluumaysiga. Sidoo kale sida loo dayac-tiro ama loo sameeyo shabaagta kalluumaysiga oo aan iyaguna hore ujirin. Waxa kale oo aanu aad u danaynaynaa inaanu ka qayb qaadano suuq-gaynta kalluunka, tusaale ahaan waxa dhacday in bilihii dhawaa lasoo jillaabay kalluun badan, iyadoo aanay weli dadkeenu aad u baran isticmaalka kalluunka, waxaanu dareemaynay in kalluumaysatadii ay la ciir-ciirayaan kalluunkii oo meel ay geeyaan ay garan la’yihiin, iyadoo aynaan weli yeelan awood aynu ku dhoofino oo aynu ku gaynayo waddamo dibadda ah, waxaana ka mid ah caqabadaha dibadda inaga haysta inaynu u dhoofino kalluunka barafkii iyo qaboojiyihii saamaxayay in la gaadhsiiyo meel fog iyo dhinaca liisamada, duruufahaas ayaa jira, laakiin waqtigan waxa muhiim ah in dalka gudihiisa oo suuqyada dalku saamaxaan in la iibsado, laakiin waxaanu dareemaynay in dadkii u baahnaa iyo habkii loo suuq-gayn lahaa inaanu jirin, markaa waxa noo qorsheysan carwooyin waaweyn oo lagu soo bandhigo kalluunka oo aanu dadka u bandhigno kalluunka dalkeena ku jira nooca uu yahay, faa’iidooyinka uu u leeyahay iyo sidoo kale inaanu isku xidhno oo meeshii suuqu ahaa aanu u gayno. Kalluumaysatadeenu hadiyo jeer waxay ku hawlan yihiin oo keliya soo qabashada kalluunka laakiin kuma fikiraan bariga ciddii ay ka iibin lahaayeen, haddii barigii la keenayna sida xoolaha meel laguma xidhi karo oo wuxuu u baahan yahay adeegyo badan sida baraf joogto ah, taasina uma saamaxayso in suuq loo daydayo isaga oo bariga yaala, si taasi aanay u dhicin waxaanu mustaqbalka isku dayaynaa inaanu u samayno habkii loo heli lahaa suuq-gayn fiican .
Ugu dambayn waxaynu ogyahay heerka dhalinteenu ay ka taagan tahay wacyiga kalluumaysiga iyo sida aanay ugu baraarugsanayn khayraadka baddeena iyo faa’iidooyinka uu kalluunku leeyahay, hadday tahay caafimaad ahaan, koriin ahaan iyo qaybihii kaleba, waxaan aad ugu boorin lahaa in dawladda, shacabka iyo kalluumaysatada lafteeda cidkasta oo danaynaysa in gacmaha la is wada qabsado, in dhalinyaradeena aynu siino jaaniskii ay ku baran lahaayeen ama manhajka waxbarashada haloogu soo daro ama qaabab kale oo loo bari karaa ha jirtee in dhalinyarada lagu ababiyo kalluumaysiga iyo faa’iidooyinkiisa, si mustaqbalka loo helo bulsho kalluumaysato ah, waxaanay u noqon doontaa shaqo abuur iyo in lagu joojiyo tahriibka dhalinteenii ku dhamaatay.”


 

Leave a Reply