Maayarka Hargeysa Oo Xaflad u Sameeyay Wiil uu Dhalay Garaad Abshir Saalax

0
432

Hargeysa (Dawan)- Maayarka Caasimadda Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa hadhimo sharafeed u sameeyay Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax oo dhawaan socdaal ku yimi dalkiisa hooyo isaga oo ka soo laabtay dalka dibadiisa gaar ahaan qaarada Yurub.
Hadhimo sharafeedkaasi lagu maamuusayay Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax waxaa kala qayb galay xubno door ah oo isugu jiray wasiirro, agaasimayaal guud, wasiir ku xigeeno, Badhasaabo, Salaadiin, madaxdhaqameedyo iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa ka qayb galay hadhimo sharadeedkaasi loo sameeyay Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, waxaana gabagabadii munaasibadaasi ayaa dhawaanba xubnihii ka qayb galay waxa ay soo dhaweeyeen Cabdinaasir Garaad Saalax oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay isaga oo ku nool wadamada Yurub isla markaana ay socdaalkiisa ku wehelinayeen xubno ganacsato ah oo doonaya in ay dalkooda hooyo maalgashadaan.
Xubnaha halkaasi ka hadlay waxa ay isugu jireen wasiiro, madaxdhaqameed iyo xubno kale oo tiro badan, waxaanay dhamaantood hadalo habalyo iyo bogaadin ah u jeediyeen Cabdinaasir iyo weftiga la socday, iyada oo Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo si gaar ah hadallo kooban oo soo dhawayn ah halkaa uga jeediyay.
By: Axmed M.Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply