Qabyaalada Ha laga joojiyo War baahinta Somaliland

0
500

Runtii waa wax laga xumaado,laga naxo  qaar ka mid  ah  Barmaamushada, shir jaraaida, wareysiyada,maqaalada iyo  guud ahaan  wararka kala duwan ,ee ay  baahiyaan  Saxaafada Somaliland sida Jaraaidka—TV-yada iyo Shabakadaha internet-ka,kuwaas  oo aad moodo in ay ka muuqato :-
 

  1. Erayo xambaarsan QABYAALAD,kala qaybin iyo iska horkeenid Bulshada  reer Somaliland,kuwaas oo haddii ay sii socdaan  dhib weyn u gaysan kara Shacabka  iyo Qarannimada Somaliland.
  2. Ma qurux badna in la buunbuuniyo  cid kasta oo ka soo horjeeda Qarannimada Somaliland (Qarannimada  waynu wada leenahay,ee cidna gaar uma aha)
  3. Aflegaadada Madaxda Qaranka iyo  cid kasta  oo leh  hab maamuus Qaran.
  4. Waa  ceeb,waa dembi in la soo bandhigo « Sirta Qarannimo »,arimaha ciidamada kala duwan iyo Waraaqaha iyo qoraalada u gaarka ah Xafiisyada Qaranka.

Talo soo jeedin :-

  1. Waa muhiim in la helo,sharci  kala hagaya  Saxaafada iyo Qarannimada Somaliland,Sharci ay ku qoran yihiin waxa Ummadda loo baahin karo,dhaqan ahaan,Siyaasad ahaan iyo Diin ahaan.
  2. Waxaa inagu  soo fool leh Doorashooyin,culays  weyn leh ,sida Doorashada,Golaha wakiilada,iyo Doorashada Madaxtooyada.Waa  hubaan ,haddii  arimaha aan kor ku soo sheegay ay sii socdaan in ay dhici karto dhibaato  aan Shacabka iyo Qarannimada midna u wanaagsaneyn.

 

  1. Saxaafada Somaliland waxaa ku haboon in ay  Shacabka  u baahiyaan Barmaamushyo tayo leh, Shacabkuna wax ka faaiidaysan karo.Saxaafada Somaliland waxay haysataa madaxbanaani buuxda,taasna macnaheedu maaha in aad baahin karto,wixii dhibaato u keenaya Bushada iyo Qarannimada Somaliland(SAXAAFADU WAA —- MADAXBANAANI— SHARCI–MASUULIYAD IYO TAFATIR.

 
Ugu dambayn waxaa ugu baaqayaa Shacabka Reer Somaliland,in ay ilaaliyaan Qarannimada Somaliland meelkasta oo ay joogaanba,gaar ahaan Shacabka ku nool Qurbaha waxaan ka codsanayaa in aanay dheg u dhigin kuwa War baahinta la soo  fadhiista  «  Haddii aanu Reer hebel nahay »-
 
 
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com

Leave a Reply