Madaxweynaha Ayaa Jecel Midabka Cad

0
420

Warbaahinta caalamka ayaa tebisay in dawladda dalka Turkmenistan soo saartay sharci mamnuucaya in lala soo dego gawaadhida midabkoodu yahay madawga, casaanka, iyo buluuga. Midabka  keliya ee la ogol  yahay waa gawaadhida midabkoodu yahay cadaanka. Amarkan ayaa la gaadhsiiyay shirkadaha soo dejiya baabuurta oo ah inay keenaan baabuur midabkoodu cadaan yahay.
Waxa kale oo muran ka taagan yahay baabuurta dalka joogta iyagana lagu wado in la mariyo midabka cadaanka ah, taasi oo dhalisay buuq iyo wareer.  Sida ay sheegtay Idaacadda Euro Free dalkan ayaa marka gaadhiga laga bedelayo midabkiisa gaadha qiime dhan $ 800 , taasi oo ah mid qaali madaama uu mushaharka qofka caadiga ahi yahay $ 200 keliya. Sharcigan ayaan ilaa hadda la cadayn wax sababay laakiin waxa la sheegay in Madaxweynaha dalkaasi Muxamadof uu jecel yahay midabkan cadaanka ah.

Leave a Reply