Xarunta Nottingham Shir ee ku taala badhtamaha London ayaa lagu xidhay nin ka xaday beerta xayawaanka ee halkaasi ku taalla toddoba Mas. Ninkan aya doonayay inuu hadyad ugu diro gabadh uu dhalay Masaskaasi munaasabadda maalinta dhalashadeeda. Ninkan oo lagu magacaabo Daniel Orton da’diisuna tahay 37 jir ayaa booqday isaga oo ay la socoto inantiisa yar oo 12 sano jirtay beertaasi Fransfield. Wakhtigaasi ayay u suurtagashy inuu xado laba Mas oo ah nooca Boa ee sunta leh iyo 5 Mas oo yaryar oo uu qarsaday. Laakiin mid ka mid ah shaqaalaha beerta ayaa la socday dhaqdhaqaaqa Aabaha tuuga ah waxaana uu aad ugu fiirsanayay wixii u samaynayay. Ninkan shaqaalaha ah ayaa ugu yeedhay booliiska ka dib markii uu gaadhigiisa saartay Masaska. Booliiska ayaa geeyay maxkamadda waxaana lagu ganaaxay lacag 610 Gini , isago sheegay inuu doonayay inuu inantiisa hadayad uga dhigo maalinta dhalashadeeda.