Dabeecada Carruurta Oo Xumaataa Waxay Keentaa Diiqad Nafsiya Weynaantooda

0
405

Daraasad ay dhowaan samaysay jaamacad ku taalada dalkaasi Marakanka ayaa lagu sheegay natiijadeedii in caruurta oo intay yar yar yihiin noqda qal qaali ay keento inay hadhow markay weynaadaana noqdaan kuwo diiqad dareema.
Daraasadan ayaa waxa samaysay jaamacadda Washington University ,taas oo ku salaysay caruur badan oo gaadhaysa tiro ahaan 0.273 caruur ah,kuwaas oo ay tirada qaaban u qaateen ,iyaga oo eegaayey dabeecadooda,sidoo kalena su’aalo weydiinaayey waalidka dhalay caruurtaasi.
Sidoo kalena waxay muhiimad badan saarayeen caruurta ku jirta waqtiga dugsiga hoose ,kuwaas oo loo eegaayey siday uga degan yihiin dhinaca maskaxda,iyaga oo hubinaaya inay jirto dhib dhinaca maskaxda ka haysataa.
Waxaanay ku sheegeen natiijadii inay heleen caruur badan oo calaamadahay raadinayeen leh,gaar ahaana cadho badan,qaylo badan iyo muran dhinaca dadka waaweyn ah,kuwaas oo ay ku tilmaameen dadka cilmibaadhistaasi waday inay taasi hadhow keenaso inay caruurtaasi noqdaan kuwo diiqad badan dareema hadhow.
Caruurta inta badan lagu sameeyey ayaa ahaa kuwo kasoo jeeday kuwo dhinaca jeebkoodu yahay mid hooseeya,kuwaas oo 50% ahaa kuwo la nool hal qoys,waana inta ugu badan ee dhinaca dabeecadu ka xumaatay yaraantooda,madaama oo ay kusoo koreen duruufo kala duwan,sidoo kalena ay ahaayeen kuwo la nool mid waalidka kamid ah ,iyada oo uu mid waalidka kamid ahi meesha ka baxay,sida qoraal lagu sheegay ay soo saareen kooxdaasi cilmibaadhista wadey.
 
 

Leave a Reply