Gabadh la Wada Jeclaaday

0
470

 
Nin dhalinyaro ah ayaa doonay inuu guursado, ka dibna Aabihii ayuu ku yidhi waxaan rabaa inaan guursado. Aabihii ayaa ugu jawaabay waa hagaag,  laakiin gabadha ma anigaa kuu doonaya mise adiga ayaa arkay? Wiilkii wuxu ugu jawaabay maya anigaa soo arkay. Aabihii wuxu ku yidhi waa yahay anigana itus aan arkee.  Markii uu wiilkii Aabihii gabadhii tusay ayuu aabihii jeclaaday oo ku yidhi Aabo gabadhani adiga way kaa qab weyn tahay ee aniga ii daa aan guursadee. Wiilkii ma yeelin waxayna isula tegeen Xaakimkii magaalada. Xaakamkii markii ay arinkii u sheegeen ayuu isna ku yidhi Gabadhani labadiinaba way idinka qab weyn tahay ee ii daaya aan anigu guursadee.
Markaasi ayuu haddana bilaabmay muran kale waxay islu tegeen  wasiirkii. Wasiirkiina markii uu arkay ayuu ku yidhi gabadhani sadexdiinaba way idinka qab weyn tahay ee ii daaya anigu aan guursadee. Markii ay halkaasi taagan tahay ayay gabadhii hadashay waxayna tidhi :” Ma anigaa isku kay haysataan, waan ordayaa , waxa i guursanaya kan isoo gaadha”. Gabadhii ayaa oroday dhamaantood way ka daba ordeen laakiin midkoodna wuu gaadhi wayay mid kastaa meel ayuu ku daalay.
Markaasi ka dib ayay gabadhii hadashay waxayna tidhi : “ Anigu aduunyo ayaan ahay, qof kasta wuu eryanayaa laakiin ima gaadho, mid kastaana meel ayuu ku daala oo ku dhintaa , markaa waxba ha igu daaline Allah (sw) caabuda, waayo qof  kastaa isagoon guul iga gaadhin ayuu iga tagaa”   Hamiga Aadamigu wuu dheer yahay , geeriduna way dhawdahay.

Leave a Reply