Qaramada Midoobay Oo Maalmaha 6,7 Iyo 8 Bisha February U Aqoonsaday Maalmaha Laga Nasanaayo Taleefanada Gacanta

0
634

Dadka nidaamiya maalmaha la xuso ee dawladaha reer Galbeedku sameeyeen oo ah kuwo  ka tirsan jimciyada Qurumaha ka dhaxaysa ayaa sheegay inay u doorteen ,6,7 iyo 8 bisha February inay noqoto maalin ay dadku ka nastaan taleefanada gacanta,gaar ahaana taleefanada Smart Phones-ka ah,iyada oo  loo soo qaadan doono sannadkan odhaahda ah dhibaatada xanuun ee ay  taleefanadu u lee yihiin degaanka iyo dadka.
Maalintan ayaa ah maalin cusub oo kamid noqonaysa maalmaha kala duwan ee ay ururadaasi sameeyeen,kuwaas oo ah kuwo ku cusub caalamka,iyada oo ay socdaan masuuliyiin socdaalo ku maraysa meelo kala duwan oo caalamka ah,sida lagu sheegay qoraalo ay daabaceen wakaalado kamid ah kuwa ka jira Barriga Dhexe,iyada oo socdaalkaasi ay ku lifaaqayaan kulano lagu meel marinaayo maalmahan cusub.
Waxaanay soo jeediyeen in shirkaddaha sameeya ay  meesha ka saaraan waxyaalaha kamidka ah qalabka uu ka samaysan yahay taleefankaasi ee waxyeelada dadka u keeni kara,iyada oo la doonaayo in dib loogu noqdo waxyaalaha laga sameeyo taleefanadaasi.
Masuuliyiintan ayaa qoraal ay u gudbiyeen shirkaddaha waxay ku sheegeen in loo bahan yahay in meesha laga saro waxyaalaha dhibta ku haya dadka iyo degaanka labadaba.
 

Leave a Reply