Wuxuu U Diiday Caruurtiis Isticmaalka IPad, IPhone, IPod

0
405

Steven Paul Jobs wuxu ahaa ganacsade iyo curiye Maraykan ah kaasi oo dhashay 1955 , wuxuuna dhintay sanadkii 2011. Ninkan ayaa ah ninka sameeyay isla maraakana madaxda ka ahaa shirkadda Apple inc. Ee Technoljiyadda casriga ah.
Steve Jobs oo ah magaca la socda technooljiyada casriga ayaa u diiday caruurtiisa inay isticmaalaan waxyaabaha ay soo saarto shirkadda Apple sid IPad Iphone.
Wargeyska New York Times Maqaal lagu qoray ayaa Cadeeyay In Caruurtiisu aanay Isticmaalin Waxyaabaha Shirkadiisa ay soo Saarto, gurigiisana aanay oolin laguna isticmaalin isagoo aaminsaan inay dhibaato badan u leedahay caruurta.
Baadhitaano ay samaysay Jaamacadda California ayaa cadaysay in ilmaha loo diido isticmaalka qalabkan maalmo isku xiga oo keliya ay wanaagsanaato habka uu dadka ula dhaqmo. Daraasadda ayaa sheegtay in ilmaha caadiga ahi maalintii uu isticmaali 7 saacadood iyo dheeraad Tv-ga, Smartphone iwm.

Steve Jobs wuxu ahaa nin maskaxda ka shaqaysiiyay oo aan wakhtiga ku lumin ciyaaro iwm. Sidaas darteed ayuu caruurtiisa ugu diidaana in wakhtigu kaga lumo game iyo sheeko, ka sakow dhibaatadiisa.

Leave a Reply