“Deeq-Bixiyeyaasha Ayaa Yeelanaya Dib u Dhaca Doorashooyinka Ku Yimaada”

0
390

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed (Warancade) ayaa sheegay in haddii doorashooyinkii lagu waday inay dalka ka dhacaan badhtamaha sanadkan ay qabsoomi waayaan, ay masuuliyadda dib u dhacaasi yeelandoonaan qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka saacida horumarinta dimuqraadiyada oo kaalintoodii ka soo bixi waayay.
Cali Warancade  waxa uu sidaas  ka sheegay wareysi uu siiyay  suxufiga weyn  ee  Faysal Fadhfadhle oo ka tirsan Telefishanka Universal, waxaanu kaga hadlay arrimo la xidhiidha doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta madaniga ah oo qeybo ka mid ah dalka ka socota.
 
 
Wasiirku waxa uu ku dooday in dawladdu ay ka soo baxday waajibkii ka saarnaa inay kaalin ka geysato qabsoomida doorashooyinka, waxaanu yidhi “Doorashadu nidaam ayay leedahay, waxa  ka horeeya n waxyaabo badan doorashada  loo sii habeeyo u baahan annagu dawlad ahaan laba  arrimood ayaa naga khuseeya midi waxa weeye diiwaan-gelinta  madaniga ahoo lacagteedii oo meelna ku jirin in khasab xukuumadu ku keento, t aasi waa mid,  ta labaadna waxa weeye kharashkii ku baxayay doorashooyinka oo la diyaariyay, markaa waxaad arkaysaa in xukuumadu  diyaar u tahay in wakhtigeedii lagu qabto doorashooyinka.”
 
 
Wasiir Waran-cadde waxa uu qaadhaan-bixiyeyaasha ku riixay inay door weyn ka qaateen dib u dhaca lagu wado inuu ku yimaado doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha wakiiladda, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa muuqata qaadhaan bixiyeyaasha oo ay ahayd in iyagu bixiyaan kharashka  diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha  lix bilood ka hor wakhtiga doorashooyinka in la dhameeyo,  ilaa imika may bilaabmin, waana is aragnay oo waxa aanu ku nidhi haddii arrintaasi dib uga dhacdo wakhtigeedii waa in aad qaadataan mas’uuliyadeeda haddii kale waa in sidii loo dhamaystiri lahaa diiwaan-gelinta aad keentaan, markaa cidii ka baxda ee wakhtigu ka soo gaadho shaqadeeda cidaas ayaa khaladka yeelanaysa.”
Wasiirka Daakhiliga oo ka hadlayay  Diiwaan-gelinta madaniga ah iyo halka ay marayso waxa uu yidhi “Diiwaan-gelinta madaniga  ahi goboladda Awdal, Gabiley, Maroodi-jeex iyo Saaxil gabo-gabo ayay ku dhow dahay, todobbaadkana  waxa laga bilaabayaa gobolada Togdheer, Sanaaag iyo Sool, waxaanan rajaynaynaa in muddo gaaban ay  ku soo dhamaystiranto.”
 
 
 
Wasiir Cali Warancade oo ka jawaabayay su’aal ahayd xisbiga uu ka tirsan yahay maadaama oo isagoo ka tirsanaa xisbiga WADDANI loo magacaabay mansabka Wasiirnimo, waxaanu ku jawaabay  “Shuruucda u taalla xisbiga KULMIYE,  waxa weeye ninka Wasiirka ahi waxa uu ka mid yahay Golaha Dhexe, markaa qofku khaayin ma noqon karo oo isaga  oo xisbi Golihiisa dhexe ku jira xisbi kale ma  noqon karo. Xisbiga Kulmiye ayaan ka tirsanahay.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply