Guddoomiyaha Cusub Ee Sanaag Oo Soo Dhaweeyay Xilka Madaxweynuhu u Magacaabay

0
397

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo aad iyo aadnna ugu faraxsan yahay xilka uu Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabay.
Axmed Cabdi Falay oo shalay Wargeyska DAWAN wax ka weydiiyay sida uu u arko xilkan loo magacaabay, waxa kale oo uu sheegay in uu rajanayo in shacabka ku dhaqan Gobolka Sanaag ay wada shaqayn yeelan-doonaan.
Ugu horay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sanaag oo soo dhaweeyay xilkan loo magacaabay, waxa uu yidhi  “Waxaan u arkaa Xilkaa inuu yahay mid aan qaban karo oo munaasib ah aad baanan u soo dhaweynayaa, Madaxweynaha Jamhuuryada Somaliland-na Md. Axmed Siilaanyo waan uga mahad celinayaa.”
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sanaag waxa uu sheegay inuu ka shaqayn doono horumarka Gobolka, isla-markaana uu wax ka qaban doono Seerayaasha la ooto, waxaanu yidhi  “Waan sii amba-qaadi doonaa sidii hore ee ay ahayd hawshu manaan weli gaadhin, laakiin markaan gaadho wixii qorshe ah ee nidaamsan waan ka qayb qaadan doonaan haddii ALLE idmo, waxaanan rajaynayaa guud ahaan bulshada reer Sanaag in ay ila shaqayn doonaaan, wixii caqabado ahna waxaan ka qaban-doonaan INSHA ALLAH , sida horumarinta, Seerayaasha iyo IWM. Barnaamjikayga aad baan uga hadli-doonaa, waanan ku farxsanahay kuna qanacsanahay  xilkan.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply