Kulan Lagaga Hadlayay Dhibaatooyinka Gudniinka Ficooniga Ah Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
376

Hargeysa (Dawan):  Kulan lagaga hadlayay sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka ay haweenku kala kulmaan Gudniinka fircooniga ah, ayaa shalay lagu qabtay Magaaladda Hargeysa.
 
Munaasibadaasi oo  lagu qabtay Magaaladda Hargeysa  ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Shukri Xariis Ismaaciil, Wasiir ku xigeenka Cadaalada Nuur Cismaan Guuleed, xubno ka tirsan madaxda dhaqanka, Ururada daneeya xuquuqda Haweenka iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada.
 
 
 
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil oo  munaasibadaasi ka hadashay, ayaa ka warantay dhibaatooyinka uu keeno Gudniinku, iyo sida ay diinta islaamku uga soo hor jeedo in lagu sameeyo hablaha.
 
 
waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Sandkan halkudhega caalamiga ah ee la qaatay waxa weeyaan dhamaan dadka aqoonta leh ee ka shaqeeya Xarumaha Caafimaadka inay ka qayb qaataan sidii loo joojin lahaa gudniinka Gabdhaha ee waxyeelada leh una dhaga nuglaadaan oo ay dhagaha u furan, baaqa caalamiga ah, shuruudaha Caafimaadka ah ee caalamiga iyo ta Islaamiga ah ee Culimadeena ay farayso, aad baanan idinku hambalyaynayaa ka soo qayb-galkan. Waa kulan hawleed, maaha dabaal deg waa kulan hawl inaga sugaya oo u baahan in aynu meel uga soo wada jeedsano oo aynu fulino oo dalkeena iyo dadkeenaba u horseedno horumar” ayay tidhi Marwo Shugri.
 
 
 
Wasiirka Diinta iyo awqaafta  Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ugu baaqay culimadda in ay bulshadda baraan  dhibaatadda Gudniinka fircooniga ah iyo saamaynta xun ee uu leeyahay.
waxaanu yidhi “Culimada waxaan u soo jeedinayaa baaq ah dadka bara, Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Wasaaradda Caafimaadka waxaan ka codsanayaa inay aqoonyahan iyo Haweenkan la tababarayo ee loo jeedinayo baaqa ah mihnadlayaasha Caafimaadka ee ah, gaar ahaan dadka Caafimaadka ka shaqeeya ee Xarumaha Caafimaadka jooga in lagu tababaro qaabkii wanaagsanaa ee Sharciga ahaa ee aan waxyeelada lahayn , wax tar mooyaane in la baro. Markaa waxaynu u baahanahay in aynu arrintaasi si fiican u darisno oo uga baaraan degno.”
 
 
Sidoo kale Caaqil Maxamed Xirsi oo ka mid ah Cuqaasha Gobolka Maroodijeex oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Diinta Islaamku ay xaarantinimaysay Gudniinka fircooniga ah, waxaanu yidhi  “Shareecada Islaamku waxay ka taagan tahay Gudniinka fircooniga ahi inuu xaaraan yahay, maadaama oo uu sidaa yahay hadaanu hogaamiye dhaqameedkii Somaliland nahay cid kasta waxaanu u sheegaynaa anagu waxaanu taaganahay ha la joojiyo.”
 
Dhinaca kale xubno ka mid ah Ururada Haweenka ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqada Haweenka ayaa ka waramay marxaladihii loo soo marayn sidii bulshada laga wacyigeliyo dhibaatooyinka ay haweenku la kulmaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply