Madaxweynaha Oo Shacbiga ka Tacsiyadeeyay Geerida Xildhibaan Dhugad

0
365

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Iyo Goleyaasha baarlamaanka Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ALLE ha u naxariistee Marxuum- Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo shalay  ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.
Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaana lagu sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ku tilmaamay marxuum Dhugad oday weyn oo ka baxay qaranka Somaliland, waxaanu dhambaalkaasi tacsida ahi u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ku geeriyooday Hargeysa 08/02/2015.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay bulshadda iyo qaranka Somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, Halgankii iyo dib u dhiskii dalka oo uu illaa wakhtigan ku hawlanaa horumarinta iyo ka midho dhalinta himilada shacbiga iyo qarankaba, muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee guurtida iyo wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Geesta kalena waxa dhambaal tacsi ah oo kaas la mid ah uu naga soo gaadhay Guddoomiyaha xisbiga talllada dalka haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu u dhignaa sidan:- “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka, qaraabada, Golaha Guurtida Somaliland iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida Xildhibaan Marxuum Cabdillaahi Ibraahim Axmed Xirsi (Dhugad) oo  (08/02/2015) ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
 
Marxuum Cabdillaahi Ibraahim Axmed (Dhugad) wuxuu rukun wayn oo ka baxay Somaliland, waxa uu door muhiim ah ka soo qaaday halgankii SNM ee dib-u-xoraynta Somaliland, waxa kaloo uu ka soo qaybqaatay nabadayntii iyo dib-u-heshiisiintii beelaha Somaliland. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland oo uu xubin firfircoon ka ahaa shaqada golahaasi ee odayeynta iyo nabadda dalka.
 
Waxaan Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ku abaalmariyo jannadiisa Fardowza, qoyska, ehelka iyo dhammaanteed shacabka reer Somaliland-na uu Ilaahay samir iyo iimaan innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply