Maktabada Al-Jazeera Iyo Ganacsiga Agabyo Ku Cusub Dalkeena

0
383

Ganacsatada dalkeena ayaa ku dhiiraday inay dalka keenana agab aan hore looga isticmaali jirin dalka kaaas oo si xawli ah ku socda waxaanad taasi ka dareemaysaa dhaq dhaqaaqyada ka socda suuqyada, iyo sida ay mashquulka u yihiin goobaha agabka lagu iibiyo.
Suurta gaalnimada horumarka uu ganacsigani sameeyay ayaa waxa saldhig u ah fuf furnaanta siyaaasada ganacsiga dalkeena ka jira iyo dhiiri galinta xukuumadeena, waana ta sahashay inuu qofka ganacsatada ahi meesha uu doono ka keeno alaabta uu ka ganacsanaayo marka laga reebo ganacsiga aan laga ogolayn dalka sida khamriga oo kaleeto.
Haddaba qaybo ka mid ah ganacsatada ayaa waxay isku hawleen sidii ay bulshadooda ugu keeni lahaayeen agabyo ay baahiyo u qabeen oo ay adkayd markii hore hilistoodu, waxaana ka mid ah Qalin akhrinaaya Quraanka.
Maktabada AL-JAZEERA ayaa ah mid u ban baxday sidii ay dadka ugu keeni lahayd agabkaas aynu soo sheegnay waxayna ku can tahay keenista saliidaha dabiiciga ah iyo uduga.
Waa kan madaxa Maktabada AL-JAZEERA Cabaas Salaan oo aanu ku booqanay xarunta Maktabada ayaa ka waramay agabkan ay hayaan gaar ahaan kuwan timaha ka ilaalinaaya go’itaanka, waxaanu yidhi: “ wax yaalaha aanu hayno waxa ka mid ah Qalimada Qur’aanka akhriya kaas oo wata tafsiirka quraanka Kariimka ah oo sheekhyo dalkeena ahi ay ku duuban yihiin kaas oo u sahlaaya qofka inuu si sahlan u barto quraanka iyo tafsiirkisaba oo si dhib yar uu u dhagaysan karo waxaanu qofku ka maarmayaa inuu soo iibsado riinkoodh oo uu cajalad kolba galiyo, qalinkanina waxa uu qofka u sahlayaa inuu kolba aayada uu doono iyo sheekha uu rabo intuu gaysto uu dhagaysto oo xataa qofkii aan arkayn ama weynaa ee aan akhriyi Karin quraanku uu ka baran karo quraanka”.
Waxa kale oo Cabaas sheegay inay ka Jazeera ahaan ay iyagu dalbadeen qalinkan oo culimada tafsiirka ee ku jira ay iyagu qaateen oo dalabka ay iyagu iska leeyihiin oo sharkada ay u gaysteen culimada ay rabaan in loogu shubo.
Tan ayaa noqonaysa mid dadka faaiido u leh tilmaana u ah heerka ganacsiga dalku maraayo.
Waxa kale oo ay ku can tahay Maktabada Al Jazeera keenista Malabo saafi ah, dawooyinka safanta,Saliida xabaasuuda, uduga qaybihiisa kala duwan,buugaagta iyo kutubta diiniga ah.
 

Leave a Reply