“Puntland Haddii Ay Argagixsadda Iska Difaaci Wayday, Annagu Xoog u Noqon Mayno” Taliye Ku xigeenka Booliska

0
363

Hargeysa (DAWAN)-Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto C/raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa ka jawaabay eedo raqiis ah oo ka soo yeedhay maamulka Puntland oo Somaliland ku eedeeyay inay gacan siinayso kooxda AL-SHABAAB oo dagaal ku dhex maray shalay magaalo xeebeeda Boosaaso.
 
Sareeyo guuto Cabdiraxmaan Fooxle oo shalay  la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ku tilmaamaay hadal;adan ka soo yeedhay Puntland, qaar aan sal iyo raad toona lahayn, Somaliland ay la dagaalanto argagixisada, waxaana uu xusay inay iska difaaci waayeen argagixisada ay maciinsadeen in ay Somaliland kula soo galgashaan hadalo ku aadan “
“Maamulka ay Argagixisadu u jirto 7 KM ee ay Buuraha Gal-gala u fadhido, ma aha inuu ku rafto dawladaha ay dariska yihiin markii uu waxba iska celin waayay iyagaa ku ceeb ku tahay,”ayuu yidhi Taliye Ku xigeenka Booliska Somaliland.
Taliye Ku xigeenka Booliska oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Annagu (Somaliland) meel ayaanu iska marinay dagaalna waanu kula jirnaa Argagixisadda, waxaanan leeyahay Ninka hadallada aan munaasibka ahayn sheegaya haddii ay kaa xoog bateen (Argagixisadu) annagu awood kuu noqon mayno ee adigu iska difaac, waxba eed ha saarin Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply