Suldaan Raali-gelin Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Boqor Buurmadow

0
378

Hargeysa (DAWAN)- Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Madax dhaqameedka reer Somaliland gaar ahaan Salaadiinta Beelaha  barriga Burco, ayaa raali-gelin ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Boqor Buur-madow oo sheegay in beeshoodu ay wado qorshe laba sannadood loogu kordhinayo madaxweyne Siilaanyo haddii doorashadu ay dib u dhacdo.
 
Suldaan Siciid Yuusuf Ducaalle, waxa uu sheegay inaanu jirin wax shir ay oo ay beesha bariga Burco ka yeelay wax loogu yeedhay muddo kordhinta xukuumadda, waxaanu sidaasi kaga hadlay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaaladda Hargeysa. “Arrinta iyada ahayd ee la sheegay in Beesha HabarJeclo  Shirtay oo madaxweynuhuna uu la ogaa oo ay goosteen in laba sanno loo kordhiyo oo aanu intaas ka dib  mar dambe  isa soo sharaxin, waa arrin aan waxba ka jirin oo Habar-jeclo shirtay ma jirto go’aan ay isla qaadatay oo madaxweyne ku raacay ma jirto oo waa arrin Khaldan oo dalkana meel ka dhac ku ah oo dalka doorashaddiisa kordhintiisa iyo maamulkiisa Somaliland way ka gudubtay wax reer ah wax cid yar u soo gudbiso iyo wax beelaysi ah muddo fog ayey ka gudubtay,”ayuu yidhi Suldaan Siciid Yuusuf Dycaalle.
Suldaan Siciid waxa uu sheegay in qababashada doorashooyinka iyo muddo kordhinta xukuumadaba ay jiraan ha’yado u xil-saarani isla markaana aanay jirin wax kaalin ah oo uga banaan.beeshooda, waxaanu yidhi  “Waxa jira Komishan qaran oo doorashooyinka qaabilsan,  waxa jira Baarlamaan waxa jira golle guurti oo waxa jira Saddex Xisbi qaran Ha’yadahaasi  ayaa qaranka ugu kala xilsaaran dhinaca siyaasadda, qabashadda Doorashada iyo muddo kordhinta Goleyaasha xukuumadaba. Annaga beel ahaan kama aanu shirin noomana taallo.”
“Waxaan ummadda Somaliland ka xaal siinayaa arrinta sheegaysa in beel ahaan aanu muddo kordhin wadno, arrintaasi waa mid aan noo oolin, mana jiro wax shir ah oo aanu arrintaasi ka yeelanay,”ayuu yidhi Suldaanku.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply