“Wakhtiga Doorashada Komishankaa Iska Leh,Annagana Nooma Taallo”

0
408

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xiliga doorashadu qabsoomayso aanay ku xidhnayn Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE, isla-markaana ay iclaaminteeda ku shaqo leeyihiin Komishanka doorashooyinku.
Muuse Biixi oo shalay Telefishanka Horn Cable kula hadlay Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE waxa kale oo uu ka hadlay wadahadalada u socda Somaliland iyo Somaliya, waxaanu tilmaamay in Somaliya ay mar kasta caraqaladayso hanaanka wadahadalada.
Ugu horay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka hadlayay qabsoomida doorashada, waxa uu yidhi  “Madaxweynuhu waxa uu yidhi maalin lagu dari maayo, madax  meel ka saraysa oo la salaaxaana ma jirto, haddii Madaxweynihii sidaa yidhi ma hadal kalaa jira, sideedaba wakhtiga la qabanayo Doorashada KULMIYE kama go’do, Madaxweynaha kama go’do , UCID kama go’do WADDANI na kama go’do. Wakhitga iyo Jadwalka lagu qabanayo Doorashada Komishankaa iska leh, KULMIYE-na Komishankii maaha Madaxweynuhuna awoodaa ma laha. Anaga waxa nalaga yaqaanaa marka la yidhaahdo Doorashadii waa diyaar  haday soo horumarinayaan oo Distoorka dhaafayaan  iyo haday ka dambaysiinayaan iyo hadday maalintiisii qabanayaan maalinta uu Komishanku qabanayo anaga waa naga diyaar Doorashadu.”
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in dadaal loogu jiro aqoonsi ay Somaliland ka hesho beesha caalamka, waxaanu yidhi  “Ictiraafka intii aynu jirnayba waanu raadinaynay ilaa 1991-kii xili walba oo la soo maraba iyo Dawlad walba oo talada haysay ay u oroday dhaxalbay gaadhsiisay, maantana marka la isku daro wixii hore ee aynu qabanay iyo wixii Xukuumaddan KULMIYE ay qabatay  marka la isku geeyo in aynu taaganahay mawqifkii ugu dhawaa ee aynu caalamka Ictiraaf ka helno oo dadaalkaanu soo wadnay Sanadaha badan Xukuumad ahaan maanan yaraysan, labadii Wasiir ee Wasaarada Arrimaha dibada iska badlay hawl badan bay qabteen. Markii u horaysay waa tii Madaxweynaha Somaliland lagu casuumay Shirkii  Somaliland iyo Somaliya inaga oo laba Dawladood kala ah oo caalamku aqnoonsaday in aynu fadhiisano inaga oo laba Dawladood ah halka aynu doonayno kamaynaan midho dhalin, waayo heshiisyada ama wadahadalada caynkaas ah muddo dheer bay qaataan oo Sanado badan ah, waayo marka aynu imika wadahadalayno qoladan Koonfurta waxay Miiska la yimaadaan oo ay rumaysan yihiin waa midnimo inaguna waxaynu la nimaadnaa gooni isku taag.”
Muuse Biixi Cabdi sidoo kale waxa uu intaas ku daray  “Shirkii Jabuuti inaga oo laba Dawladood kala ah ayaynu is horfadhiisanay oo heshiisyo aynu kala saxeexanay, qolada reer Xamarku shalaybaa u dambaysay markii ay xidhanayeen Shirkii Gobolada waad maqlaysay waxay ku hadlayeen oo ay odhanayaan Raaskaanbooni iyo ilaa Saylac, dadka aynu wax la gelaynaa waa kuwaa qolo ay wax ka go’aana maaha, qolo balanta xejisana maaha hadana waxbaa iskaga keen xidhan oo caalamku wuxuu leeyahay waa inaad is afgarataan, isafgaradkiina ilaa Nimankaasi ay caqli keenaan lagu kala baxo waxay ila tahay muddo wadahadalkaasi wuu soconayaa. Caalamkuna maanta wadahadal-buu ku kala baxaa iyo gar, markaa waxaan leeyahay hadaanu nahay Xukuumadda KULMIYE iyo Shacabka Somaliland oo dhanba guddo iyo dibad aqoonhayankeena waxaynu ka midaysanahay Ictiraafka oo aynu hawl ugu jirno, Wadaadiina weynu haynaa oo weynu soo xoojinaynaa weynuna iskugu wada tagaynaa, Nimankaa aynu is haynaana gar malaha sida Raga looga gar baxana ma garanayaan oo labadaa dhibaato ayaa ina haysta, waxay ila tahay in aynu caalamka tusno arrintaa in garteenu ay cadahay oo dhiraandhirinayno oo Nabad aynu ku doonayno Wadadaas baynu haynaa waana Wado dhaw baan qabaa.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply