Dhimashada Haweenay ay Haysteen Daacish oo la Xaqiijiyay

0
465

Madaxweyne Barack Obama ayaa xaqiijiyay dhimashada Kayla Mueller oo aheyd gabadh gargaarka ka shaqeyneysay oo Mareykan aheyd. Gabadhaasi ayey haysteen in ka badan 18 bilood kooxda dowladda Islaamka ee Siiriya.
Isagoo muujiyay sida uu ugu murugeysan yahay, ayuu Obama sheegay in Mareykanka uu cadaaladda horkeeni doono kuwa dilay 26-jirka.
Dowladda Islaamka ayaa sheegtay in jimcihii ay ku dhimatay duqeyn cirka ah oo ay sameeyeen Jordon balse Mareykanka ayaa sheegay inaysan wax cadeyn ah u haynin taasi.
 


 

Leave a Reply