“Madaxweynuhuna Wuu Ku Mahadsan Yahay Inuu Mucaarid Iyo Muxaafidba Xilka Noo Qaybiyo”

0
476

Burco (Dawan) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) oo todobaadkan Madaxweynuhu xilkii ka qaaday, ayaa sheegay in aanu ka xumayn sababihii xilka looga qaaday, waxaanu tilmaamay inuu ka tirsanaan doono Xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Maxamed Ubaxle waxa uu sidaasi ku sheegay munaasibad uu shalay xilka ku wareejinayay Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd,  waxa kale oo uu sheegay in uu la shaqayn doono Xukuumadda, islamarkaana xil ka qaadistiisu ay ka mid tahay sunaha dawladnimada.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi  “Anigu muddo dheer baan xilkan hayay, xilkuna waa meerto iyo qori isku dhiib, Qofku waxa uu nasiib leeyahay inta uu joogo in ILLAAHAY ku asturo oo dhibaato culus aanu la kulmin oo aanu ku fashilmin, mar hadaan xilkii ka degay iyada oo Burco Nabadgelyo ah oo wada kaftamaysa sunaha Dawladnimo ayay ka mid tahay aniga iyo hogaanka qaranka ee uu mudan yahay Md. Axmed Maxamed Siilaanyo. Anigu Xisbiga KULMIYE maalintaan ku biiray ganacsi ayaan lahaa oo Magaalada Sanca ayaan joogay 80 cod buu kaga tagay Madaxweynuhu, Xisbigiisana kamaan mid ahayn Xisbiyadana waan ka madaxbanaanaa oo xaga Culimada ayaan u dhawaa, markaan eegay waxaan go’aansaday in Madaxweynuhu dalka rajo badan ka qabo oo shakhiyad hogaan leh yahay, waxaan door biday inaan ku biiro Xisbiga KULMIYE  oo Sanca ayaan kaga biiray iyada oo aan galbeedka Burco dad badani ka taageersanayn oo Deero Hotel oo Cabdi Aw Daahir oo keliya uu tago ayaan ku biiray Xisbiga KULMIYE dibna uga bixi maayo intaan siyaada ku jiro, haddii la arkay Nin qabyaalad u booday oo Xisbi ku raaca ama isaga oo heer qaran ah inta xil laga qaaday uu dhinaca kale u booday dhici mayso.”

Md. Maxamed Maxamuud Ubaxle waxa uu sheegay in bulshada ku dhaqan Gobolka Togdheer uga mahadcelinayo wadashaqayntii ay lahaayeen muddadii uu xilka hayay, waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa bulshada reer Togdheer mid Muxaafid ah iyo mid Mucaaridaba sidii qiimaha lahayd ee muddadii aan joognay noola shaqeeyeen, Cabdo Axmed Aayir ayuu ahaa Guddoomiyihii u horeeyay ee aan xilka la qabto oo ahaa Nin muxtarim ah, waxaan dib u xusuustaa hadaan dib u eego Maayarkii markaas jiray waxqabadka waxay ka bilaabeen Madaarka Burco ayaa kow ka ahaa, Iskuulka dhagoolayaasha oo uu dhagax dhigay , Guriga martida iyo Xafiisyo aan la koobin karin ayaa ka mid ahaa. Waxa ka sii yaab badan qaab aanu dadku dareemi karin Ninkii koobaad buu ahaa ee kabay bulshada oo lafteeda dheeri jaban tahay Ninkii daweeyay buu ahaa ee dhismihii ugu horeeyay saaray. Guddoomiyihii ku xigay Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji) isaga laftiisuna halkiibuu ka sii bilaabay, Maxamed Muuse Diiriye waxaan rajaynayaa meel wacan bay u maraysaa oo Laftii way xidhiidhsantay in aanay idinka kala dhicin ayaan adiga iyo Maxamed Diiriye Xaydna idin rajaynayaa.”ayuu yidhi Mr. Ubaxle.

Waxaanu intaas ku daray “Maxamed Diiriye Xayd haddii aan la yara kaftamo doorashadii u dambaysay Nin UDUB ka tirsan buu ahaa oo xag jir ah, Madaxweynaha qaranku wuu ku mahadsan yahay Mucaarid iyo Muxaafid inuu xilka noo qaybiyo oo iskugu kaaya badalo Kuraasta oo maalinba ka ugu haboon uu xilka u dhiibo, waajibaadka qaran ee Dastuuriga ah ee loo doortay ayay ka mid tahay, waayo may dhici jirin Ragii ka horeeyay Nimaan UDUB ahayni xil muu qaban iyo Ragii ka soo horeeyayba. Maxamed Muuse Diiriye (Guddoomiyaha Gobolka Togdheer) UDUB buu ahaa, Maxamed Diiriye Xayd (Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Gobolka Togdheer) UDUB buu ahaa iyo Maayarka Burco Maxamed Muraad oo u dambeeyay Ururkii  RAYS buu ka mid ahaa , waxaan leeyahay wax khaldan iyo colaadi ma jirto ee waa sunaha siyaasiga ah iyo Wadooyinka loo maro, Madaxweynahana waxaan uga mahad naqayaa isaga oo aan i aqoon oo aan Nin dhalinyaro ah ahay ayuu xil ii magacaabay, waxaanan mar labaad uga mahad naqayaa xil ka qaadistayada waxaanan taageerayaa Xisbiga KULMIYE oo Xukuumadaan la shaqayn doonaa.”

By. Khaalid Xabsi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply