Obama oo ka Fakiraya Hubeynta Ukraine

0
433

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka fikirayo in uu hub u diro dowladda Ukraine, si ay uga hortagto xooggaga gooni u goosadka ah ee uu Ruushka taageero.
Mr Obama ayaa sheegay in haddii uu guul dareysto dadaalka diblomaasiyadeed ee ay wadaan hoggaamiyayaasha Jarmalka iyo Faransiiska, aanu dalkiisa dhowran doonin xuduudaha Yurub oo qori caaradii lagu qaato.
Madaxweyne Obama ayaa hadalkan jeediyay kaddib kulan uu la qaatay hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel.
Merkel ayaa sheegtay in ay ka horjeedo cudud milateri oo loo adeegsado xal u raadinta dagaalka bariga Ukraine, waxaana ay sheegtay in loo baahan yahay dadaal dheeri ah oo lagu bixiyo diblomaasiyada.
 
 

Leave a Reply