Siiriya oo Beenisay Adeegsiga Bambooyinka Culus

0
381

Madaxweynaha Syria, Bashaar Al-Assad, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay macluumaad ka heleysay Maraykanka oo ku saabsan dagaalka lagula jiro dowladda Islaamka.
Waraysi ay BBCdu la yeelatay, ayuu ku sheegay in aysan jirin iskaashi toos ah oo ay la leeyihiin xulafada Mareykanku horseedka ka yahay tan iyo markii dulaanka xagga cirka uu billowday bishii September, laakinse farriimaha loo soo marinayey dhinacyo seddexaad oo ciraaq ay ku jirto.
Mr. Asad wuxuu kaloo beeniyay in ciidankiisu ay si aan kala sooc lahayn ugu adeegsadeen bambooyin ku jira baraamiilada meelaha ay gacanta ku hayaan fallaagada afartii sano ee dagaalku socday.
Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku adkaysanaya in ciidanka xukuumadda oo kaliya ay haystaan dayaaradaha qumaatiga u kaca, kuwaas oo laga soo riday bambooyinka.
Madaxweyne Assad ayaa sheegay inaysan mas’uuliyad ka saarneyn dhibaatada xuquuqda aadanaha qeybaha Syria ee dagaalka ka holcaya.

Leave a Reply