“Waxay Ahayd Shaqaaqo Sababtay Dhaawaca Laba Ruux Xaaladuna Imika Way Degan Tahay”

0
390

Burco(Dawan):- Guddoomiyaha GobolkaTogdheer Maxamed Muuse Diiriye,ayaa ka war bixiyay shaqaaqo shalay ku dhex martay beelaha wada dega deegaanka Balliga Diiriye Guuleed  ee waqooyiga Burco, taas oo sababtay dhawaca laba qof oo ka kala tirsan dhinacyada iska hor imaadku dhex maray.

Waxaa kale oo uu Guddoomiyaha Gobolka Togdheer sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan cid kasta oo ka mid ah labada dhinac oo hub sidata.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi uu khadka tilifoonka ku siiyay Wargeyska DAWAN,  isagoo ku sugan xarunta gobolkaTogdheer ee Burco.

 

Ugu horayn Guddoomiyaha oo aanu weydiinay  siday wax u dhaceen waxa uu yidhi “Maanta(shalay)ayay labadii  beelood ee  hore shaqaaqadu ugu dhex martay  deegaanka Baliga Diiriye Guuleed waxay shaqaaqo ku dhex martay   meesha la yidhaahdo Dindinta oo ka mid ah deegaanka ay labada beelood wada degaan,  shaqaaqadaasna waxaa ku dhaawacmay  hal qof taas oo  dhacday maanta galinkii hore(shalay) isla galinkii dambena dhinicii kale ayaa weerar  gaadmo ah iyaguna soo qaaday  waxaanay nin ku dhaawaceen balliga Diiriye Guuleed, labadaa shil baa dhacay arrintiina imika gacantaanu ku haynaa ciidankii booliskuna wuu joogaa xaaladuna way degan tahay.”

Guddoomiyaha oo aanu waydiinay haddii arrinta guurtidu gashay oo go’aan ka soo saartay waxa sababay shaqaaqadan cusub, waxaanu yidhi  “Arrintu wali may dhammaan oo markii ay Guurtidu go’aanka ka soo saartay dhinac ayaa diiday oo ku qanci  waayay sheegayna in ay ambiil ka qaadanayaan annagana(Maamulka gobolka)waxaa noo jooga ciidan boolis ah oo ka hawl gala nabad gelyadda deegaanka, markaa imika waxaan dhacayna waxay ahayd uun wax gaadmo ah oo labada dhinac midba mar wax  gaaday sidaa darteed waxay u baahan  tahay in si mug weyn loo galo xal dhab ahna laga gaadho.”

 

“Tallaabooyinka aanu qaadnay waa qaar nabad gelyada lagu adkaynayo waxaanan soo xidh xidhnay odayaal ka tirsan labada dhinac arrintana xalkeedana waa la geli doonaa laakiin horta  wax kasta waxaa ka horreeya adkaynta  nabad gelyada markaa waxaanu horta ka hawl galay nabadgelyada, waxaanan amar ku bixinay in aan deegaankaa cid hub sidataa  lagu arki Karin oo ay hub mamnuuc ka tahay waxaa  kale aanu ka hor tagaynaain ay wax dambe ka dhacaan.”  

Guddoomiyaha Togdheer,   waxa uu intaas raaciyay in  labada qof ee waxku noqday in dhaawacoodu fudud yahay isla markaana lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee magaalada Burco.

By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply