Xukuumadda Oo Mudeysay Tartanka Ciyaaraha Gobollada

0
448

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda Dhallinyarrada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland, Mudane Cali Siciid Raygal, ayaa muddeeyay xiliga iyo taariikhda la qabanayo tartanka ciyaaraha ee gobollada dalka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal waxa uu sidaasi ku sheegay War-saxaafadeed uu shalay soo saaray, kaas oo uu  ku sheegay in tartanka ciyaaraha ee gobollada dalka loo asteeyay in ay qabsoomaan bisha August ee sanadkan.

War-saxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan :- “Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland iyada oo ka duulaysa siyaasada xukuumadda iyo dar-dar gelinta shaqada ay hayso waxay halkan ku shaacinaysaa wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland.

Sida aynu ka war-hayno tartankani ma uu qabsoomin sannadkii hore tabaabusho iyo diyaar garaw xoogan oo ka duwan kuwii hore awgeed, waxaa tartanka ciyaaraha gobolladu uu qabsoomaya haddii Alle yidhaahdo bisha August sannadkan 2015. Wakhtigan aanu u cayimnay qabsoomida tartankan oo ah ka ugu baaxada weyn Dalka ayaa ay wakhti munaasib ah oo aanu ka eegnay dhinacyo baddan, waa wakhti haddii Eebbe Idmo ay bisha Ramadaan dhamaatay iyada oo dhanka kale guud ahaan Ardaydu ay fasax sannadeedka ay ku jiraan halka sidoo kale ay dalka yimaadaan Qurbo joog aad u tiro badan.

Haddaba, waxaanu faraynaa cid kasta oo ay khusayso sidoo kalena aanu wada shaqayn leenahay inay ku diyaar garoobaan inta ka hadhay muddadaas aanu shaacinay.

Hadda laga bilaabo tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland waxa uu noqon doonaa mid labadii sannaba hal mar la qaban doono Insha Allah. Waxaanan rajaynayaa in tartankan soo socda iyo kuwa ku xigaaba inoogu qabsoomi doonaan hanaan qurux baddan oo nabad-galyo iyo xasilooni ah.ALLAA MAHAD LEH.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply