“Baliga Diiriye Guuleed Wixii Ka Dhacay Waa Nasiib-darro, Qarankuna Uma Baahna In La Lulo”

0
406

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan , ayaa nasiib darro ku tilmaamay shaqaaqadii Salaasadii todobaadkan ka dhacday deegaanka Baliga Diiriye Guuleed ee Gobolka Togdheer oo laba beelood oo walaalo ahi ay shaqaaqo laba qof ku dhaawacmeen ka dhacday, waxaanu  ku baaqay  in la ilaaliyo nabadgelyadda.
 
Guddoomiye Saleebaan oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa kale oo uu shaqaaqadu dhex taallo  u soo jeediyay inay tix-geliyaan go’aankii ay hore Golaha Guurtidu uga soo saareen arrintaasi.
“Baliga Diiriye Guuleed waxa ka dhacay waa nasiib darro, qarankuna maanta uma baahna in la lulo, Ninkii qof  wax yeelaana qaranka oo dhan buu wax yeelay oo qof keliya ma yeelin ee qaranka oo dhan buu yeelay waa ayaan darro, waxaanu codsanaynaa oo weydiisanaynaa waar nabadda aynu xejisano, Nolashuna waa nabad , Nimanka halkaa dhaawaca innaga gaadhsiiyay-na  waxaanu leenahay intii hore aynu wanaag ka raacno oo ku doono, nabadana aynu wada xejisano,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu.
 
Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sheegay in go’aankii ay Guurtidu ka soo saartay shaqaaqadaasi ay mar kasta fulayso, waxaanu yidhi “Go’aankii Guurtidu gaadhay waa inuu fulaa mar walba? ma wax is bedelay baa yimid, go’aankii wax bedalay ma jiro mar walbana waa inuu fulaa, Ninkii go’aankii ku talax tagayaa isaga iyo qaranku wey is leeyihiin, waayo go’aanku qarankuu dhaqayay. Golaha Guurtida maahee qarankii weynaa iyo go’aanka cidii ka hortimaada way isku dhacaysaa.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply