WEEDHA WARGEYSKA: Maxamed Xaashi Waa Ka Kaliya Ee Ay Siyaasadu Ku Waajibisay Inuu Miidaanka Ka Fadhiisto 18 Sanno Ka Hor!

0
466

Maxamed Xaashi Cimi,  waligii  xil iskama uu casilin, waxase uu macruuf ku yahay oo taariikhdiisa ku cad inuu ka mid yahay dadka xilka jecel, waxaanu  laabta ka jecel yahay  inaanu marnaba ka dhex bixin cida maamulka gacanta ku haysa. Waxa tobankii sanadood ee la soo dhaafay ku dul dhacday laba digreeto oo xilalkii lagaga qaaday mansabyo Wasiirnimo oo uu ka soo kala qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Tii Rayaalle, ka dib markii uu noqday meelna qaban waa saxal ku noqday midnimadii xukuumadda laga doonayay inay  sidii hal koox (One Team) u wada shaqeyso.
Siyaasiga sifahaas sare ku xusan caanka ku ahi, sidee ayuu af-buuxa madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqi karaa inuu is casilo?, oo uu ugu dhiirran karaa inuu  xajiimeeyo  Madaxweynaha  ummadda reer Somaliland ay aqlabiyada weyn  ku calmatay, halka Maxamed Xaashi uu xiligii uu u tartamay mansabka madaxweynenimada uu helay laba cod oo kaliya, taasina ay kuu muujinayso siday bulshaddu indhaha uga qabsatay  hoggaamintiisa  kambal daaqnimada ku dhisan.
Eng. Maxamed Xaashi  oo  Isniintii todobbaadkan u waramay muuq-baahiyaha HCTV, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku booriyay  Inuu is casilo, waxaanu dusha ka saaray eedaymo aan maan-gal ahayn, waxaanu yidhi  “Waxaan leeyahay meeshani waa meeshii aad in badan u soo bu’aysay oo Illaahay ku soo gaadhsiiyay, wixii aad ka qaban lahayd iyo wixii kaa khaldami lahaa wixii wada dhacee oo waxba kama qaban kartid, tan baan sii kordhinayaana wax caqliga gala ma’aha, waxaan odhan lahaa doorashana ha u loo’lamin ee masalahaaga iska qaado oo iska cibaadayso oo iska casil baan odhan lahaa.”
 
Waxa hadalkan deel-qaafka ah ee Eng. Maxamed Xaashi  uu dadka siyaasadda axadha xusuusinayaa siyaasadiisa dalabta leh, waxa ay dadka qaar qabaan in Maxamed Xaashi aanu abid xil iska casilin, marka laga reebo Maayarnimadii Hargeysa  sanadkii 1997-kii, oo uu iskaga casilay si uu u ishaafalataysto markii uu  suuraystay inuu noqon karo madaxweyne Xambaari kara masiirka dalkan curdinka ah. Balse wax-garadkii shirweynihii saddexaad ee Beelaha Somaliland waxay si ficil ah ugu muujiyeen inuu yahay siyaasi aan gaadhin mustawe madaxweyne oo aanu lahayn dhammaan sumadihii iyo calaamadihii  qofka xilkaas qabanaya  looga baahnaa.
Markay sidaasi tahay waxa xaqiiq ah in qofka ay tahay inuu siyaasadda ka baxaa uu yahay Maxamed Xaashi oo marka  xilalka dawladda laga qaado   noqdaa  xisaabiye aanay cidina diran oo xukuumadaha faraqa uga buuxiya  eedaymo la xidhiidha  xisaab ku binaysan Malo-awaal iyo xeelado kursi doon oo aan ku qumanayn da’diisa sideetameeyadii madaxa la gashay  oo ay ahayd  inuu iska cibaadaysto maadaama oo aanu kasban Karin dadkiisa, iyadoo rumowday weedho laga guntay 23-kii Bishii Febarwari 1997-kii, dharaartii wadhidu ka raacday shirweynihii lagu qabtay Guriga shaqaalaha  ee Hargeysa.
“Waxaan ILAAHAY Ka Baryayaa Inuu Tolkay (Isaaq) ka dhigo sidaan anigu ahay, ama aniga iga dhigo siday iyagu yihiin,”ayuu ku tiraabay Maalintii uu labada cod ka helay doorashadii uu la galay Madaxweynihii geeriyooday, maalintaas diiwaanka taariikhda ku cad, waxa haatan  laga joogo 18 sannadood, ducadaasna  wali EEBE kama aqbalin Eng. Maxamed Xaashi oo isna isma doorin oo dadka wuu ka soocan yahay xaga fikirka iyo arragtida, isna Bulshadu uma bogto himilooyinkiisa.
 
 
“Maxamed Xaashi laba jeer ayuu noloshiisa noqday Wasiirka Maaliyadda, mar waxay ahayd SNM, waxaana xilka u dhiibay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) marna waxay ahayd dawladda hadda oo uu Wasiirka Maaliyadda noqday, waxaana xilka u dhiibay Axmed Siilaanyo illaahay baan ku dhaartee markaad intaas eegto ixtiraam ayuu ku leeyahay, markaad isku da’da ay yihiin eegto Ixtiraam ayuu ku leeyahay. marka uu muwaadin soo halgamay yahayna Maxamed Xaashi Ixtiraam ayuu Madaxweynaha dalku ku leeyahay,”ayuu yidhi  Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse  oo shir jaraa’id qabtay 28-kii bishii September 2014-kii oo uu Eng. Maxamed Xaashi ku hogo-tusaaleynayay xuquuqda madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay, kuna waaninayay inuu ka fogaado inuu burush wasakh leh mar-mariyo masuulkii siyaasadda ku gardaadiyay isla markaana xilalka waaweyn ku aaminay.
 
Sidaas darteed, ayaan qormadan kooban ku soo khatimi lahaa in Maxamed Xaashi aanu noqon mid ay dushiisa ku dhabowday murtidii ahayd “MAROODIGU TAKARTA SA SAARAN MA ARKEE ,TA KA KALE SAARAN AYUU ARKAA” waayo Maxamed qofka u horeeya ee siyaasadda Somaliland ku saaqiday waa isaga haddii  uu ogyahay iyo haddii kaleba.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply