Dad lagu Xukumay Dalka Belgium

0
450

Mid ka mid ah dacwadahii ugu weynaa argagixiso Yurub ee sanadihii dhawaa ayey maxkamad ku taal Belguim xukuntay koox la baxday- Sharia4Belgium- oo ahaa urur argagixiso oo taageero u fidinayay dagaalamayaasha jihaad doonka ah Suuriya iyo meelo kale.
Dadka la maxkamadeeyay oo ahaa 46 ayaa dambi lagu helay marka laga reebo mid,waxaana lagu xukumay xabsi u dhexeeya 3 ilaa iyo 12 sano.
Hogaamiyaha kooxda, Fouad Belkacem, ayaa lagu xukumay 12 sano isagoo xagjir iyo askar ka dhigay rag muslimiin ah oo loo diray dagaalka Suuriya iyo Ciraaq.
Sideed kaliya eedeysanayaasha ayaa joogay maxkamadda Antwerp, halka inta kale loo maleynayo inay Suuriya jiraan ama ay dhinteen
 

Leave a Reply