Gudida Arrimaha Dibada Ee Wakiiladda Oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Khaarajiga

0
449

Hargeysa (Dawan): Wasiirka Arrimaha  Dibadda Somaliland  Maxamed Biixi Yoonis, ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu inta badan ku hadaaqo erayo ka dhan ah qaranimadda Somaliland, isla markaana aanay waxba ka khusaynin isaga siyaasadda Somaliland.
Maxamed Biixi, waxa kale oo uu sheegay in  Xasan Sheekh waxyaabaha   uu maamulkiisa   ugu sheekeeyo in ay yihiin qaar aanay  wax ka khusaynin Somaliland, isla markaana cida uu la hadlayaa ay tahay   dadkiisa.
 
Wasiirka arrimaah dibadda, waxa uu sidaasi ka sheegay  ka dib kulan uu shalay xarunta golaha wakiilada  kulan yeeshay   guddida siyaasada, arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha wakiilada.
waxa kale oo uu sheegay in nidaamka federaalka ah ee ka socda Soomaaliya uu caalamku og yahay in aan Somaliland ka mid ahayn.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xasan Sheekh waxa uu xaafadihiisa ugu sheekeeyo wax anaga naga quseeyaa ma jirto. Cida uu la hadlayaana waa dadkiisa,  anagana Somaliland  ayaa lana yidhaahdaa  oo wadan gaar ah baanu nahay,  Xasan Sheekh-na halkan ma xukumo, madaxweyne ayaynu leenahay baarlamaan  ayaynu leenahay, nidaam dawladeed oo buuxa ayaynu leenahay. Markaa waxa Xamar ka dhaca in aynu isku mashquulino looma baahna .”
Wasiirku waxa kale oo  uu ka hadlay  wada shaqaynta ay wasaarad ahaan la leeyihiin guddi hoosaadka golaha wakiilada u qaabilsan arrimaha dibada, waxaanu sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii   ay ka wada hadleen guddida.
waxa uu yidhi “Guddida golaha wakiilada u qaabilsan xagga arrimaha dibada oo aanu wada shaqay leenahay waxaanu siinaa warbixin joogto ah. guddidani waa guddi nala talisa oo na tilmaanta. Qodobadii aanu ka wada hadalnay waxa ka mid ahaa shirkii Somaliland iyo Soomaaliya ee ka dhacay wadanka ay jaarka nahay ee Jabuuti, shirkii aanu kaga qayb galnay magaalada Brussels iyo shirkii hore ee aanu u tagnay wadanka ingriiska, kaas oo ku saabsanaa xagga horumarka, safaradii aanu ku kala bixinay wadamo badan oo caalamka ah iyo waftiyo badan oo dalka inoogu yimi.”
 
Wasiirku waxa uu sheegay in ay guddida kala tashanayeen arrimo kala duwan, isagoo arrimaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Guddida waxa kale oo aanu kala tashanaynay shirka 26ka febe…ka dhici doona wadanka Turkiga ee aynu isugu imanayno inaga iyo Xamar, waad la socotaan oo waxyaabihii laga wada hadlay waxa ka mid ahaa in lagu dhiirado arrimaha masiiriga ah ee labada dal. Sidoo kale guddida arrimaha dibada ee golaha wakiilada waxaanu kala tashanaynay halka aanu ka gali doono shirla soo socda iyo waxaanu la tagayno.”
 
“Waxaan aad ugu mahad celinayaa taageerada ay guddida arrimaha dibada ee golaha wakiiladu siiso wasaaradda arrimaha dibada iyo sida ay hawlaha noogala qayb galaan.” Ayuu wasiirku yidhi mar uu ka mahad celinaayay sida fiican ee guddidani ula shaqayso wasaaradda arrimaha dabada.
Kulanaas oo ay warbaahintu wasiirka ku waydiisay su’aalo kala duwan ayaa mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsanay halka ay maanta marayso siyaasadda arrimaha dibada Somaliland iyo hadalada ka soo yeedha dawlada Xamar ayaa waxa uu ku jawaabay “Hadii aan ka hadlo halka ay wax maryaan Nikilos key Somaliland uma soo wada fadaraalisam, Mr.Key waxaan laba wig horteed kula kulmay Addis Ababa, fadaarkuna waxa uu quseeyaa Xamar Somaliland-na shaqo kuma leh ama Galmudug ha jooga ama Garoowe ha joogo, Nikolas Key-na meel uu ku yidhI Somaliland baan fadaraal u soo wadaa ma jirto. ” wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Somaliland waa wadan gaar u taagan oo aan wali aduunka wali ka helin aqoonsi caalami ah, laakiin gaar u taagan oo wax qabsaday dadaalna aanu ugu jirno sidii u beesha caalamka uga heli lahaa aqoonsi Soomaaliyana way ogtahay caalamkuna wuu ogyahay.”
 
Wasiirku mar uu ka hadlaayay xidhiidhka ay Somaliland la leedahay wadana jaarka sida Jabuuti iyo Itoobiya waxa uu yidhi “Jabuuti waa wadan ay jaar nahay, walaalo nahay waxbadanina inaga dhexeeyaan. Itoobiyana waa wadan aynu jaar nahay cilaaqaad badanina inaga dhexeeyo, waa wadan qadiyadeena la socda, waa wadan aanu aamin sanahay in uu ka mid yahay wadamada noogu dhaw. Waxa naloo qadariyaa sida wasiirada caalamka oo kale. ”
Wasiirka arrimaha dibadu waxa kale oo wax laga waydiiyay ariimaha jaaliyadaha, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Xuduudaha jaaliyado laga furayaana ma jirto, jaaliyada la furayaana waa in ay amar ka qaadataa wasaaradda arrimaha dibada.”
Wasiirku mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in Suldaan Wabar ay ka dambayso Itoobiya waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Warkaas waxba kama jiraan, dawlada Itoobiyana shaqsi inaguma doorsan karto. Dawlada itoobiya waxa inaga dhexeeya waxyaabo badan oo nabadooda ayaa inagu xidhan, teenaa ku xidhan dawlada Itoobiyana way ogtahay.”
 
Mudane Maxamed Biixi waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay dadaal ugu jiraan sidii ay uga midho dhalinlahaayeen qadiyada Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Anagu waxanu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaynaa qadiyada Somaliland. Somaliland waxay u baahan tahay in ay dadka la saaxiibto, waxaanu doonaynaa in aanu wadan kasta cilaaqad la yeelano albaabkastana waanu garaacaynaa. Qadiyadayadana u joojin mayno kanaa ku jecel iyo kanaa ku neceb. Waliba waxaanu badanaynaa ka na neceb si aanu u soo jiidano.”
 
Gudoomiyaha guddida siyaasada, arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha wakiilada mudane Axmed Cabdi Kijaandhe oo isna halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay kulanka ay la yeesheen wasiirka arrimaha dibada, isagoo arrimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Shirkan aanu la galnay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadu waxa uu ahaa shir bile ah oo aanu la yeelano wasaaradaas, kaas oo aanu kaga wada hadal siyaasada arrimaha dibada iyo caqabadaha jira. Wax yaabaha aanu kaga wada hadalnay waxa ka mid ahaa wada hadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya, siyaasadda arrimaha dibadu halka ay maanta marayso.”
Xildhibaan Axmed Kijaandhe waxa uu sheegay in uu wasiirku wada shaqayn fiicn la leeyahay guddida, isagoo arrintaa ka hadlaaya waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan wasiirka wasaaradda arrimaha dibada aad uga mahad celiyo sida fur-furan ee uu u doonayo in uu uga midha dhaliyo qadiyadeenan masiiriga ah ee citiraafka.”
 
Kulankan ay  yeesheen guddida golaha wakiilada u qaabilsan arrimaha dibada iyo wasiirka wasaaaradda arrimaha dibada oo ayaa ahaa mid qaatay saacado ayaa waxa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo in la sii xoojiyo wada shaqaynta labada dhinac
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply