Wasaaradaha Hawlaha Guud oo Samaysay Xarun Lagu Hubiyo Tayada Gaadiidka Somaliland

0
451

Hargeysa (Dawan)- Wasaarada Hawlaha guud ee Somaliland, ayaa markii u horeysay daah-furtay  xarun cusub oo hubin doonta tayada gaadiidka Somaliland soo gala (Somaliland Vehicle Inspection center and workshop).
 
Xaflad ballaadhan oo lagu shaaciyey Xarunta Hubinta Tayada Gaadiidka Somaliland, ayaa shalay  lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, taasoo ay ka qaybgaleen Wasiirrada Wasaaradaha Hawlaha Guud Md. Cabdirisaaq Khaliif, Dhallinyarada & Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal, Wasiir-ku-xigeennada Hawlaha Guud Md. Cali Cabdi Saa’iq,  Warfaafinta Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Ganacsiga Somaliland, saraakiisha ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka, madaxda Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo maalgelin ku samaynaysa mashruucan lagu hubinayo gaadiidka Somaliland.
 
Wasiirka Hawlaha Guud Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ka xog-waramay ujeeddada loo aasaasay xarunta daryeelka iyo hubinta gaadiidka, taasoo uu xusay inay tahay mid loogu talogalay inay ilaaliso tayada gaadiidka ka hawlgala Somaliland, isla markaana la doonayo in la hubiyo tayada gaadiidka lagala soo dego dibadaha iyo kuwa ka shaqeeya gudaha dalka Somaliland oo sannadkiiba hal mar lagu samayn doono qiimayn lagu hubinayo tayada gaadiid kasta.
“Waxa aan halkan ku daah-furaynaa hirgalinta Xarunta Tayeynta iyo Hubinta Gaadiidka Somaliland. Wasaaraddu waxay dhawaan qaban doontaa tababaro aanu kor ugu qaadayno aqoonta farsamada gaadiidka dadka ka shaqeeya ee geerashlayaasha loo yaqaano. Laba meelood ayaan ugu talogalnay in gaadiidka lagu hubiyo. Meesha u horraysaana waxay noqon doontaa in la hubiyo marka gaadiidku soo gelayo dalka oo dekedda ayey noqon doontaa. Marka labaadna waxay noqon doontaa in qiimayn lagu sameeyo baabuurta aynu hore u haysanay,” ayuu yidhi Md. Cabdirisaaq Khaliif.
Waxaannu tilmaamay inay wasaarad ahaan dareemeen baahida ah in la hubiyo tayada gaadiidka gudaha Somaliland si looga hortago khasaaraha ka dhalan kara tayo la’aantooda, isagoo xusay in sidoo kale ay qiimayn doonaan aqoonta goobaha lagu farsameeyo gaadiidka, waxaannu tilmaamay in xarunta u horraysa ee shirkadaasi noqon doonto magaalada Berbera si loo hubiyo tayada gaadiidka ka soo dega dekedda.
Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas Md. Cali Cabdi Saa’iq iyo Md. Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa xafladaas ka sheegay in ujeedada xaruntan loo aasaay tahay sidii looga shaqayn lahaa daryeelka gaadiidka ka hor inta aanay xumaan ama cilad ku iman, taasoo ah fursad lagaga hortagi karo khasaaraha ka dhasha gaadiidka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Md. Maxamed Sheekh Cumar, ayaa sheegay in shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabtu ay lacag ka badan ilaa $10 milyan oo dollar ku bixinayso maalgelinta xarunta hubinta tayada gaadiidka Somaliland.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan dhismaha xarunta hubinta tayada gaadiidka Somaliland, isla markaana ay wasaarad ahaan qayb ka qaadan doonaan sidii dadka loogu wacyigelin lahaa faa’iidada xaruntan u leedahay bulshada.
Masuul ka socday shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo magaciisa la yidhaah Sheekh Cabdulladif oo xafladaas hadal ka jeediyey, ayaa inay diyaar u yihiin sidii ay lacag dhan ilaa $10 milyan oo dollar ugu maalgelin lahaayeen horumarinta iyo dhismaha xarunta hubinta tayada gaadiidka, isla markaana ay shirkadooda iyo dawladda Somaliland ka wada shaqayn doonaan sidii arrintaas looga gaadhi lahaa horumar ballaadhan, diyaarna u yihiin inay wax badan ka qabtaan tayeynta, hubinta iyo ciladaha ku yimaad gaadiidka ka hawlgala Somaliland.
Mashruucan la doonayo in lagu daryeelo, laguna hubiyo tayada gaadiidka, ayaa noqon doonta goob lagu eego, laguna fallanqeeyo cilad-saarista gaadiidka kala duwan ee ka hawlgala gudaha Somaliland, taasoo la doonayo inay wax badan ka beddesho mushkiladaha gaadiidka oo khasaarooyin badan sababa, isla markaana ay ka dhashaan khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hantiyeed sannad walba.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply