Ilmada Basashu Keentaa Maxay Dhibaato Lee Dahay?

0
372

 
Daraasad dhowaan la sameeyey ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah oo ay lee dahay ilmada ka timaada dadka marka la jar jaraayo basasha,iyada oo daraasadan la wadey muddo ,waxaana la doonaayey in laga jawaabo su’aalo dhawr ahaa oo la xidhiidhay dhibaatada ay basashu indhaha u lee dahay madaama ay ilmeeyaan marka la jar jaraayo.
Waxaana su’aalahaasi kamid ahaa ,Ilmada basashu sababtaa ma dhibaata mise waa dheef,taas oo keentay in la sameeyo baadhitaankan,waxaana ugu dambayn kooxihii waday daraasadaasi cadeeyeen in aanay jirin wax dhib ah oo ay basashaasi lee dahay,sidoo kalena ay jirto faa’ido ay lee dahay.
Iyaga oo tilmaamay inay jiraan dhecaano sababa inay indhuhu ilmeeyaan,xataa hadii aad isku qabato ishana way sii soconaysaa ilmadaasi ,maxaa yeelay dheecaanada loogu talo galay in ay joojiyaan ilmadaasi ayaa waxa ka awood badanaaya dheecamadan keenaaya ilmada.
Kooxdan daraasada samaysay ayaa tilmaantay inay indhaha u wanaagsan tahay ilmadaasi,iyaga oo sabab uga dhigay inay nadiifiso ,kana soo xaadho waxyaalaha wasakhda ah ee indhaha dadka ka gala,sidoo kalena ay ka dhigaan araga indhaha mid ka fiican sidii hore.
 

Leave a Reply