Shirkadda Samsung Oo Soo Saaraysa Tv Dadka Codadkooda Si Fudud U Aqoonsan Kara

0
361

Shirkadda Samsung ayaa diyaarinaysa telefishan la sheegay inuu kala saari karaayo ama aqoonsan karo codadka dadka isaga oo aan ku xidhnayn wax dhish ah ama satellite ah,taas oo ay ugu talo gashay maaciimeesha si ay u yaraato xatooyadoodu.
Television-kan ayaa noqonaaya mid lagu shubaayo Programs ama softwares,kuwaas oo suurtogelinaaya inay duubaan sidoo kalena dib u aqoonsadaan codadka ay maqleen,waxaana xooga la saarayaa cida guriga degan ama iska leh aaladan .
Shirkadda ayaa sheegtay in codkan lagu duubaayo Televishion-ka marka ugu horeysa ee lasoo iibiyo ,taas oo ah habka keliyaata ee uu ku aqoonsan karo,isla waqtiga lagu shubona waxa markiiba lagu record garayn doonaa cida gurigaasi degan ama masuulka ka ah ee iska leh televishion-kaasi
Waxa la diyaariyey waqtigan bugaag lagaga hadlaayo hababka kala duwan ee loo isticmaali karaayo television-kan,iyada oo la raacaayo habab kala duwan,kuwaas oo tiro ahaan gaadhaaya ilaa saddex marka lagu shubaayo codka television-kaasi.
Mana aha markii ugu horeysay ee shirkaddaha soo saara Television-nadu  Software sidan oo kale ah ,iyada oo sannadkii 2013 kii ay shirkadda LG oo ah shirkad soo saarta  Mobiles ka ,Talaagadaha iyo Television-adu soo saartay software sidan oo kale ah,iyada oo kaasi ahaa mid si aan cidi ogayn waxyaalo badan u duubaayey,taasina ay keentay inay dadku ka cadhoodaan,laakin kan ay soo saarayso Samsung ayaa la sheegay inuu aad uga duwan yahay kaasi .
Waxaanay tilmaameen inay ka ilaalinayaan inu duubo arrimaha shakhsiyadeed ee gaarka ah,iyada oo aan ogolaansho loo helin duubitaankooda.
Warbixin ay soo saareen ayaanay ku sheegeen in adeegani  uu yahay mid ay doorashadiisa dadku iska lee yihiin,iyada oo marna la shidan karo marna la bakhtiin karo ,waxaana la socda software ka laba botton oo ay ku kala qoran tahay Disable iyo Enable,kuwaas oo laga kala dooranaayo.
 
 

Leave a Reply