INGRIISKA : Caruur Timaha Lagu Ciqaabo

0
452

Dalka Ingriiska waxa ka soo shaac baxay  Rayiisle si ciqaab ah ugu xiiraya caruurta yaryar. Rayiislaha ayaa mihnadan ka dhigay  mid ay aabayaashu usoo kexeeyaan caruurtooda yaryar markay doonayaa inay ciqaaabaan, isagoo sheegay inay bilaash tahay oo aanu ka qaadayn wax lacag ah xiiritaanka ciqaabta ah.
 
Timajarahan oo u dhashay dalka Maraykanka laguna magacaabo Russell Frederick ayaa waalidiinta kala dooran siinaya siday rabaan in loogu xiiro ma sida oday duqa ah, mid bidaar leh ama sida  Benyaamiin Button oo metela filimada dunida ugu caansan .
Rayiilaha ayaa aaminsan in caruurta denbiyada gasha looga hortegi karo iyadoo qaab aanay rabin loogu xiiro taasi oo ciqaab ugu filan marka lagu arko nooc xiirasho xaqiran oo aan u qalmin ilmahaasi yari.
 

Leave a Reply