Xanuunka Cancer-ka Oo Noqday Xanuunka Labaad Ee Dadka Reer Masar U Dhintaan

0
396

Dadka reer Masar ayaa waxa  kaalinta labaad ee xanuunada ay u dhintaan soo galay sannadkan xanuunka Cancer-ka,taas oo noqonaaya ka labaad ee sida ba’an u laaya dadkaasi,sida uu cadeeyey Dr  Hussein Khalid oo ah Madaxa Guddida caafimaadka ee wadankaasi Masar oo sheegay xanuunani noqday ka kaalinta labaad ku jira xanuunada ay u dhintaan dadku wadankaasi marka laga yimaado wadne xanuunka,sida lagu cadeeyey daraasad ay samaysay xarunta Qaranka  ee Cilmibaadhista.
Wasaarada caafimaadka ee wadanka Masar ayaa sheegtay in qaybo kamid ah gobolka Minya iyo Damietta oo iyaduna kamid ah  Aswan in lagu arkay 113 keys oo xanuunkaasi Cancer-ka ah,sidoo kalena gobol kale ayaa iyagana lagu arkay  100,000 oo iyaguna laga daweynaayo  xanuunkaasi,taas oo dadka ku nooli ay gaadhayaan 20%.
Waxa kale oo uu sheegay in ragu u badan yihiin Cancer-ka beerka ku dhaca,iyada oo ay jiraan Keysas  gaadhaaya ilaa 39 keys oo raga u gaara kuna saabsan xanuunkan oo la helay,lana tiro koobay,waxaanu sheegay in la daweynaayo ilaa 100,000 oo nin oo xanuunkaasi la tacaalaaya kuna kala nool dalka daafihiisa.
Sarkaal ka mid ah wasaaradda Caafimaadka wadankaasi Masar ayaa sheegay in la rajaynaayo inay sii siyaadaan keysaskan ku saabsan xanunkan,gaar  ahaana Cancer-ka burooyinka oo ah mid inta badan gudaha jidhka ku badan inuu ku dhaco,kana dhasha buro kasoo baxda halkaasi.
 

Leave a Reply