Wadahadallada Xiisadda Ukraine oo ka Furmay Minsk

0
419

Wadahadallo degdeg ah oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka qadhaadh ee bariga Yukreyn ayaa ka furmay caasimada Balaruusiya ee Minsk, kadib toddobaad midowga Yurub wadey u kala dabqaad dublomaasiyadeed.
Markii wadahadalladu bilaabmeenba Madaxweynaha Raashiya Vladimir Putin ayaa gacan qaaday madaxweyna Yukreyn Petro Poroshenko.
Hogaamiyayaasha Ukraine, Russia, Germany iyo France ayaa kulanku ku dhemarayaa xarunta Belarus ee Minsk oo ay ku leeyihiin shir yar oo la doonayo in lagu xalliyo xiisadda ka taagan bariga Ukraine.
Madaxweyne France, Hollande, iyo ra’iisul wasaaraha Germany,Angela Merkel, ayaa wadahadalo sadax geesood ah la lahaa madaxweynaha Ukraine Poroshenko si ay go’aan mid ah u qaataan ka hor inta aysan bilaaban wadahadalada madaxweyne Putin.
Waxyaabaha ugu weyn ee laysku mari la’yahay ee u dhexeeya labada qeyb ayaa ah in Kiev ama falaagada cidda ay noqoneyso inay maamusho xadka u dhexeeyay ayaa ah cidda maamuleyso xadka Ukraine iyo Russia.
Hogaamiyayasha taageersan Russia ayaa sidoo kale jooga Minsk una diyaar ah inay saxiixaan heshiis hadii la gaadho.

Leave a Reply