Maxaa aad Ka Taqaanaa Cuntada Sigaarka Ka Sifaysa Sambabada?

0
362

Sigaarka ayaa ah mushkilad wada haysata  caalamka oo dhan,isaga oo sababa dhimashooyin kala duwa,gaar ahaana xanuunada uu sababo ayaa ah kuwo keena dhimashadaasi,iyada oo ay inta ugu badan dadku bilaabaan waqtiga ay ku jiraan dhalinyaro nimada.
Haddaba waxa in badan la raadinaayey waxyaalo lagu badbaadin karo dadka oo lagaga badbaadin karo dhibaatoyinka uu keeno sigaarkaasi,gaar ahaana kuwa uu soo gaadhsiiyo sambabada,iyada oo la helay ugu dambayntiina cunto la sheegay in lagu safeeyo sambabada dadka .
Kooxo dhakhaatiir ah oo muddo ku hawlanayd arrimahan ayaa sheegay ugu dambayntii in ay heleen cunto waxyaalaha wasakhda ah ee uu sigaarku kaga tago ama ku dahaadho sambabada,taasina waxay ku sheegeen inay tahay Beerka,iyaga oo sheegay inay jirto maado macdan ah ,taas oo ku jirta Beerka lagana helo,waxaana lagu magcaabaa maadadaasi Siliniyam (of selenium),waana maado caafimaadka Sambabada u fiican ,gaar ahaana wax ka qabashada suntan loo yaqaano Unti-Oxide.
Waxaanay ku taliyeen in loo baahan yahay in toddobaadkiiba laba jeer la cuno Beer,si looga hortago wasakhowga sambabada ,taas oo la dagaalanta sunta sambabada u degta,waxaanay sheegeen  kooxdaasi inuu yahay Beerku cuntada keliyaata ee lagu nadiifin karo sambabada dadka.
 

Leave a Reply