Cancer-ka Sambabada Ku Dhaca Oo La Ogaadey Inuu Keeno Sigaarku

0
375

Xanuunka Kansarka oo noqday waqtiyadan dambe mid aad u laaya dadka, ayaa koox khubaro ah oo daraasad dhowaan samaysay cadeeyeen in waxyaalaha ugu badan ee keenaa ay yihiin Sigaarka, gaar ahaana kansarka ku dhaca Sambabada oo ay sheegeen inuu keeno sigaarku.
Waxaana la sheegay in uu xanuunkan sigaarku sababo 85%, iyada oo uu dadka uu laayaa ku nool yihiin wadanka Sucuudiga oo la sheegay inuu laayo raga wadankaasi 78%, halka uu kuwa kalena samayn ku yeesho tiro lagu qiyaasay 10%.
Ururka qaabilsan la dagaalanka xanuunkan Cancer-ka ee wadanka Maraykanka oo ah urur si gaara loo lee yahay laguna magcaabo American Cancer Society And Protection ,ayaa tilmaamay inay yaraadeen dadka xanuunkaasi u dhintaa wadankaasi Maraykanka,waxaanay taasi ku sababeeyeen wacyi gelin balaadhan oo ay sameeyeen,gaar ahaana dhalinyaradda oo ay aad ugaga digeen.
Iyaga oo sheegay inay waqtigan doonayaan inay dadka waaweyn oo iyaguna dhibaato badan kala kulma aadna u isticmaala sigaarka inay baraarujin ku sameeyana,gaar ahaana kuwa da’doodu gaadhayso 55 ilaa 80 sanno,gaar ahaana kuwa da’ahaan ku bilaabay 30 sanno jirka,waxaanay sheegeen in qaarkood ay maalintii dadkaasi cabaan hal baakidh ,halka kuwa kalena ay cabaan laba baakidh maalintii.
Cabitaanka Sigaarka ayay masuul uga dhigeen Cancerka inta badan ku dhaca sambabada ,kaas oo ay sheegeen inuu dil dadka 85%,sida ay kooxdaasi khubarada ah ee daraasada samaysay ay sheegeen.
Dhanka kalena kooxo khubaro ah oo u dhashay dalkaasi Faransiiska ayaa daraasado ay laabab ku sameeyeen ku cadeeyey in xanuunkaasi Cancer-ka ee sambabada ku dhacaa uu inta ugu badan ka yimaado sigaarka cabitaankiisa.

Leave a Reply